Madaxa Ururka SOMA oo ka warbixiyay waxqabadkooda caafimaad ee ku wajahan Soomaaliya

MUQDISHO: Ururka SOMA (Somali Overseas Medical Association) oo ay ku bahoobeen Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Cilmiga Caafimaadka ku bartay dalka Shiinaha ayaa ka warbixiyay waxqabadkooda iyo waxyaabaha qorshaha ugu jira inay mustaqbalka dhow ka fuliyaan dalkooda hooyo.

Madaxa SOMA Dr. Maxamed Ciise Raage ayaa ugu horeyn warbaahintan uga warbixiyay safarka uu ku yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in ujeedooyinka ugu weyn ay tahay sidii ay dalka uga sameyn lahaa qiimeyn la xiriirta baahida Caafimaad ee dalka  iyo adeegga caafimaad ee aan dalka iminka laga helin.

“ Ururkan SOMA (Somali Overseas Medical Association) waxaa lagu asaasay dalka Shiinaha, waana Urur Caafimaad ee u istaagay inay wax u qabtaan bulshadooda kana samata-bixiyaan dhibaatada xagga caafimaadka  ee ka jira iminka dalka.  Waxaan Iskaashi la leenahay Dhaqaatiir Shiinaha u dhashay qorshaha ayay inoogu jirtaa inaan halkan keeno iyagoo muddo bil ah fulinaya adeeg caafimaad oo lacag la`aaan – Sidoo kale waxaan doonaynaa inaan dalka ka hirgelino Isbitaal weyn oo qaliin loogu sameynayo dadka uu dabka sida xun u waxyeeleeyay ama maqaarka dhib kaga dhacay iyo dhanka qurxinta (Burn and Plastic Surgery), howlaha aan iminka wadno waxaa ugu weyn sidii aan ku keeni lahayn qalab iyo adeeg caafimaad oo caalamka la saan-qaadaya.” Ayuu yiri Madaxa SOMA Dr. Maxamed Ciise.

“ Qiimeyn hordhac oo aan sameynay waxaa ku ogaaneynay baahidda Caafimaad ee dalka ka jirta, Cudurada dalka ku badan, Baahida isbitaalada xagga qalabka caafimaad si aan arimahaas uga jawaabno dadkana uga caawino, Iminka waxaan soo kormeernay  Isbitaalo waa weyn oo ku yaalo Gobolka Banaadir, xeryaha dadka soo barakacay – waxaan soo aragnay baahi aad u balaaran oo xagga qalab iyo daryeel caafimaad oo ay dadkeena u baahan yahiin in laga caawiyo sida ugu dhaqsiyaha badan” Ayuu ku daray.

Ugu dambeyn Madaxa SOMA Dr. Maxamed Ciise Raage ayaa tibaaxay inay kulamo la yeelanayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna  balan qaaday inay dalka ku soo kordhinayaan waxqabad iyo adeeg caafimaad oo dadka Soomaaliyeed ay baahi  weyn u qabaan, wuxuuna u mahadceliyay inta gacanta ka gaysatay howlaha ay xaaladda dalka ku qiimeynayaan. Isagoo si gaar ahna u tilmaamay  Hay`adda Gift of the Givers oo uu sheegay  inay inta badan u sahashay howlihii ay ka fulinayeen Muqdisho.

 

Said Ibrahim Hussein (BUUNA) | Email: saciid_buuna@hotmail.com

__________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.