War-Saxaafaddeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha

Mogadishu, Somalia | December,13, 2012 | War-Saxaafaddeed –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa soo booqday wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiris Cali iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Kulankaas waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Professor Maxamed Sh. Osman Jawaari iyo mudanayaal ka tirsan Barlamaanka Soomaaliyo. Waxaa kale oo goob joog ka ahaa Safiirka Jabuuti Mudane Dayib Dubad Roble.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fiican ugu soo dhaweeyay wafdiga Villa Somalia kuna wargeliyay in aysan Soomaaliya marti ku aheyn oo ay tahay dalkoodii.

Dadka dhex gala waa dadkiinii la hadlasaas waxaa yiri Madaxwenha Soomaaliya markii u la hadlayay wafdiga ka socday Jabuuti.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa aad u amaanay safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti kana dhawaajiyay in ay wada shaqeeyn doonan labada dal.

.

.

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Xafiiska Madaxweynaha mabdalla@presidency.gov.so

_____________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 13, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.