Gabdhaha K/Gacanta Horseed iyo Dekedda oo kulan saaxibtinimo Ciyaaray
MUQDISHO: Kooxaha Gabdhaha Kubadda Gacanta Horseed iyo Dekedda ayaa kulan saaxibtinimo oo ay ugu diyaargaroobayaan Horyaalkii 4aad ee Gabdhaha ku yeeshay garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho. Iyadoo kulan ciyaareedkan xiisaha lahaa ay guusha ku raacday 8-4 Gabdhaha Horseed.
Ciyaartan oo taageerayaasha qaarkood ay aaminsanaayeen in da`yarta kooxda Dekedda ay si weyn ugu durdurin doonto kooxda ay ku dhan yahiin xirfadleyda K/Gacanta ee Horseed ayaa xaajadii sidii la filayay noqon weysay , qeybtii hore waxay u muuqatay in ay aad u ilaashanayaaan shabaqooda gabdhaha Dekedda oo inta badan daafac iyo fursad gaad u badnaa.
Qeybtii labaad ayaa Gabdhaha Horseed ay u suragashay inay waayo aragnimadooda la soo baxaan iyagoo goolal kaga horumaray Dekedda kuna quusiyay 8-4.
Ciyaartan waxaa garsooyay Xasan Sheekh Ibraahim (Mosoow) iyo Aadan C/llaahi [Aadan qooleey].
Ciyaarta markii ay soo idlaatay waxaa inoo suragashay inaan la kulano Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta Maxamed Xasan Xuurshe [Eenoow] oo inooga waramay ujeedada kulan ciyaareedka . isagoo sheegay in ugu horeyn inta uusan furmin horyaalkii 4aad ay ugu talagaleen inay arkaan heerka diyaargarow ee kooxaha ka qeybagalaya tartankaasi.
“Horyaalkii 4aad ee gabdhaha ayaa dhawaan bilaabmaya, waxaan kulamadan saaxibtinimo ku ogaanaynaa heerkooda diyaargarow iyo tayada kooxaha maadaama kooxaha qaar ay ku soo biireen ciyaartoy dhawaan loo carbiyay ciyaarta kubadda Gacanta – Waxaa Horyaalka ka qeybagalaya 4 Kooxood oo kala ah Heegan, Horseed, Nationlink iyo Dekedda.” Ayuu ku soo gunaanaday Guddoomiye Eenoow.
Si kastaba, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta ayaa safka hore kaga jira xiriirada waxqabadkooda sareeyo marxalad kasta oo uu dalku marayo, Iyadoo qaar badan oo ka mid ah Xiriirada ama Ururada Isboorti ee hoos yimaada GOS ay u muuqdaan kuwo magac ahaan loo ilaashanayo.
.
.
Said Ibrahim Hussein (BUUNA) | Email:buuna@isboorti.com
________________________________________
![]() |
You must be logged in to post a comment Login