Madaxweyne Xassan Sheikh: Boqol maalmood maxaa kusoo bidhaamay?

Doorashadii Madaxweyne Xasan

Xil Wareejin

Qarax lala Beegsaday Madaxweyne Xasan

Xulashada Ra’isul wasaare

Sadaxda Mas’uul ee Dowlada Soomaaliya

Safarkii Baydhabo

 Kulankii Yoweri Museveni

Kulankii Mwai Kibaki

Booqashadii Jabuuti

Safakii Turkiga

Kulankii Madaxda Turkiga

Kulanakii RW Itoobiya

Safarkii Itoobiya

Kulankii Siilaanyo

Maanta waxay ku beegantahay maalintii Boqolaad ee uu xafiiska madaxtooyada maamulayo madaxweyneXassan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynuhu wuxuu kusoo baxay doorasho lagu astaameeyay tii ugu horeysay ee  hogaamiye uu dalku yeelanayo lagu doorto oo isla gudaha dalka ka dhacda.Taasi oo qabsoontay 10-kii September ee Sanadkan.

Hadaba sida ay doorashada madaxweynuhu u ahayd mid gaar ah oo aanay dadweynuhu iyadoo kale horay u baran, gaar ahaanna mudadii 22-ka Sano ee lasoo dhaafay oo dagaalo ay jireen, ayaa sidaas oo kale wuxuu madaxweynuhuna u noqday shaqsi  gaar ah oo indhaha bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba ay kusoo qotomaan.

Waxaa loosoo wada jeestay mudane  Xassan Sheikh oo cod aad u tiro badan Baarlamanka dalka ka helay markii la dooranayay.

Sababta Codadkaas u fududeysay madaxweynahana waxaa lagu micneeyay iyadoo Xubnaha Baarlamanka ee codeynayay ay ka jawaabayeen rabitaanka dadweynaha oo ahaa in isbedel lagu sameeyo hogaanka dalka lana helo mas’uuliyiin Masraxa ku cusub si ay wax-qabad ula yimaadaan.

Mudad uu madaxweynuhu shaqaynayo iminka waxay isku jaan-gooysay 100 maalmood.

Waa waqti aan ku filnayn in wax badan la qabto. Hadana lama hurayo in la dhiraan-dhiriyo dhaq-dhaqaaqii uu illaa iyo waqtigan sameeyay, si loogu dhug yeesho bal inay howlihiisu dhabbihii saxnaa ku dhaqaaqayaan iyo inay umuuruhu wali dheelinayaan!

Waxaan u qalin qaatay inaan diiwaan galiyo qodobbo dhowr ah oo illaa iyo haatan madaxweynuhu uu ku dhaqaaqay. Arrimahanina waxaan wax ka waydiiyay oo aragtidoodana aan qoraalkeyga ku saleeyay dad badan oo howlaha soconayaa u dhag raaricinaya kana xog haaya.

Madaxweynuhu markii la doortay ka dib wuxuu hadaladiisii ugu  horeeyay Shacabka ugu niyad  qaboojiyay in isbedel horumar leh lagu dhaqaaqi doono. Wuxuu xusay in madaxdii  isaga ka horeeysay iyo dhinacyada kala duwan ee Bulshadaba uu wada shaqayn la samayn doono, albaabkiisuna uu noqonayo mid waqti kasta u furan kuwa tallooyinka ku tabarucaya iyo  intii si ku samafalaysa ka qayb qaadashada howlaha soconaya ee loogu adeegayo dalka.

Dadku si wayn bay ugu riyaaqeen hadaladaas ka turjumaya wixii ay ka filanayeen dowladda cusub iyo hogaamiyaheeda hormuudka u ahaa ka hor doorashadiisa Xizbi loogu wanqalay Xizbiga Nabadda iyo Horumarka .

Waxaa sii bilowday u hanqal taagga tallaabooyin muuqda oo dowladda cusubi ay ku dhaqaaqday. Halka ugu horeeysa ee laga dheehan karay tallaabooyinkaasna  waxay ahayd soo magacaabista ra’isul wasaaraha iyo sida uu madaxweyne Xassan u wajahayo.

Sidii laga filayay isagana uu hadaladiisii u horeeyay ku balan-qaadayba wuxuu madaxweynuhu albaabada u furay dhinacyada kala duwan ee bulshada.

Si laga wada marqaati kacay ayeey u bilowdeen wada tashiyo aad loo dareemayay oo Madaxtooyada Qaranka iyo goobaha ay dowladdu ku shaqayso ka dhacayay, kuwaas oo madaxweynaha iyo bulshada qaybaheeda dhex marayay.

Wada tashiyadani waxay salka ku hayeen sidii loosoo heli lahaa Shaqsi ay ugu yaraan bulshadu raali ka tahay ama ku wada qanacsantahay, kaas oo noqonaya qofka loo xusho Xilka labaad ee dowladda Soomaaliya ee haatan jirta ugu sareeya oo ah ra’isul wasaaraha.

Waxaa tallaabo horumar iyo isbedel xambaarsan lagu sheegay waqtigii ay madaxweynuhu ka qaadatay soo xulista ra’isul wasaaraha. Warbaahinta Soomaaliduna aad bay u hadal haysay in howsha soo magacaabista ra’isul wasaaruhu ay qaadatay mudo ka badan intii horay loo bartay ee madaxdii hore ay howlaha ceynkan ah ku qaban jireen.

Madaxweynaha oo si feejigan u baadi goobaya qofka ku haboon xilkan ayaa sabab looga dhigay inay raagto howsha magacaabista ra’isul wasaaraha.

Digtoonaanta madaxweynuhu uu arrintaas ka qabayna dad badan ayaa ku micneeyay mid saldhig u ah in la helo dowlad ay madaxdeedu tub qura ku wada socdaan kana fog khilaaf iyo kaa tagsanaan waqtiyo hore dalku uu soo bartay.

Galabnimadii 6-dii October ee Sanadkan ayuu madaxweynuhu munaasabad heer sare ahayd ku qabtay Xarunta Villa Somalia. Halkaasna waxaa isugu yimid Xubnaha Baarlamanka, gudoomiyahooda, madax kale oo dowladda ka tirsan, marti sharaf iyo Wariyayaal.

Maalintaas ayuu madaxweynuhu ku dhawaaqay in Cabdi Faarax Shirdoon oo Saacid lagu naaneyso noqonayo ra’isul wasaaraha cusub ee dalka. Dhawaqaasina wuxuu ahaa mid dhagaha dadku ay sugayeen si waynna loola dhacay.

Cabdi Faarax wuxuu ahaa ganacsade mudo ka shaqaynayay Shirikado ku yaalay Qaaradda Africa, waana nin Cilmiga Dhaqaalaha ku qaatay Shahaadada Jaamacadda.

Wuxuu kasoo jeedaa deegaanka Gedo, halkaas oo la hadal hayay in ra’isul wasaaraha cusubi uu ka imaan doono.

Runtii waa lasoo wada dhaweeyay magacaabista Cabdi Faarax. Sababaha ugu wacanna waxaa ka mid ahaa isagoo noqday shaqsi ku cusub Siyaasadda, maadaama madaxweynuhu qudhiisa ahaa qof cusub oo ku dhawaaqay isbedel Siyaasadeed. Marka dadka Cusubi waxay ahaayeen kuwo si gaar ah loo xiisaynayo mar hadii aanay dhibaatooyinkii horay u dhacay wax lug ahi kusoo yeelan.

Caalamka iyo Soomaaliduba si  isku mid ah ayeey maalmihii ku xigay magacaabista ra’isul wasaaraha u muujiyeen soo dhawayntooda ku wajahan tallaabadaas.

Sidaas darteed tani waxaan u gartay inay ahayd mid ka mida horumarada uu mudane Xassan ku tallaabsaday waqtigii koobnaa ee uu xilka hayay.

Waxaan iloobay, amaba halkii  lagu xusi lahaa ka dib mariyay, booqashooyinkii ugu horeeyay ee uu madaxweynuhu ku dhaqaaqo magacaabistiisa ka dib oo noqday kuwo uu gudaha dalka ku tagay. Horayse waxay dadku u barteen madax dowladeed oo aan isku mashquulin kormeer ku tagista gobalada dalka, balse aad waqti ugu bixiya Safarada dibadda ah.

Bishii October horaanteedii, ayuu madaxweynuhu maalmo kala duwan booqasho ku kala tagay magaalooyinka Beled-wayne iyo Baydhabo. Goobahaasna waxay ahaayeen meelmihii ugu horeeyay ee uu Safaro ku tago isagoo Muqdisho ka baxaya illaa iyo markii la doortay.

Dadweynaha gobaladaas ku nool waxay si wayn usoo dhaweeyeen Wafdiga madaxweyne Xassan. Dareen farxadeed oo aan qiyaas lahaynna waxay ka qaadeen in madaxweynuhu uu goobahaas u doortay inay noqdaan meelaha ugu horeeya ee uu tagayo.

Arrimo la xiriira amniga deegaanadaas, nolosha dadka, iyo indha indheynta xaalado nolol xumo oo goobaha qaar ka jiray ayuu mudane Xassan waqti dheer galiyay intii uu booqashadiisa ku jiray. Kulamada uu bulshada la qaatayna wuxuu kagala hadlay la shaqaynta dowladda iyo inay dowladuna dadweynaha danahooda xooga saari doonto.

Dhamaan tallaabooyinkaas aan sheegnay waxay sii xoojiyeen kalsoonida ay bulshadu siinaysay illaa iyo bilowgiisii madaxweyne Xassan. Waxaana sii socday dhaq-dhaqaaqyada uu u bixinayo si loo dhamaystiro dhismaha dowladda cusub.

Isaga iyo ra’isul wasaarihiisa cusub oo isla jaan qaaday ayaa u dhaqaaqay soo dhisida Xukuumad lagasoo shaqeeyay si waynna loosoo xulay xubnaheeda oo lagu jaan-gooyay rabitaanka dadweynaha Soomaaliyeed.

Dhisitaanka Xukuumaddu iyada qudheeda waqti ka dheer intii horay loo bartay ayeey qaadatay, iyaduna sidaas bay tallaabo kale oo isbedel muujinaysa u noqotay.

Gaba gabadiina wuxuu ra’isul wasaaruhu ku dhawaaqay horaantii Bishii November ee tagtay Wasiirro ka kooban 10 Wasiir.

Waxay noqotay arrin kale oo hadal hayn badan yeelatay. Lamana arag cid kasoo horjeesatay tallaabadan marka laga reebo dadka qaar oo iyaga qudhooda aan diidmo dhamaystiran samaynini balse dhinacyo ay wax ka saluugayaan soo gudbiyay.

Xukuumadan waxaa lagusoo dhisay awood qaybsi beeleed siman oo aan lahayn wixii horay loogu yaqiinay 4.5 ee ahaa in Beeluhu ay yihiin 4 Siman oo tiro buuxda xaq u leh iyo Beel bar ah oo aan kuwa kale ku qayb noqonayn.

Ra’isul wasaare Saacid oo la rumeysanyahay inuu heystay talada madaxweynihiisa ayaa ekeeyay Beelihii Soomaalida ee horayba u sinnaa balse Siyaasad xumadii horay u jirtay ay kala sareeysiisay, wuxuuna Wasiiradiisa ka dhigay tiro kooban oo dad aqoon leh laguna qanci karo ay ku jiraan.

Taasina tallaabo kale oo horumarka madaxweynaha ama dowladda guud ahaan ku biirta ayeey noqon kartaa, waanaba ay noqotay!

Sidaas bay dowladda Mudane Xassan usii wadatay hana-qaadkeedii guusha ku socday sida dad badan oo aan Qormadan kula hadlay aragtiyadoodana kasoo qaatay ay qabaan. Inkasta oo Qoraalkeygan uu yahay mid aan si toos ah dadka usoo xiganayn,sababtuna ay tahay dadka ila hadlay oo badankood aan ogolaan in magacyadooda lasoo qaato.

Waxaase halkan ka cadaynayaa in guulaha aan sheegayaa ay yihiin kuwo lagu eegay hadal haynta iyo soo dhawaynta bulshada oo miizaan iyo cabirba looga dhigay. Tallaabooyinka aan kor kusoo xusay iyo kuwa ii haray oo dhamiba waxay ahaayeen kuwo ay dadku soo dhaweeyeen sida laga wada arkay lagana maqlay Warbaahinta qaybaheeda kala jaadka ah.

Madaxweynuhu wuxuu kaluu maalmo ka hor u baxay Safaro uu ku kala tagay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, waxaaseka horeeyay Safar kooban ooo Uganda uu ku gaaray, halkaas oo uu ugasoo qayb galay Xuska maalinta Xornimada dalkaas.

Laakin labada Safar ee uu Jabuuti iyo Itoobiya ku tagay ayaa ahaa kuwo Shaqo la xiriira. Dalalkaasna wuxuu ka helay soo dhawayn diiran oo Sawirada iyo Muqaalada ay Warbaahintu soo bandhigtay laga arki karay.

Madaxda dalalkaas waxay madaxweynaha dalkeena usoo dhaweeyeen qaab aad u xasaasi ah oo laga dheehan karay sida Xiriirka Somalia iyo dalalkaas ka dhexeeya uu waqtigan usoo hagaagayo.

Waxaa kaloo ka muuqanayay sida ay u xushmeynayaan Soomaaliyada cusub ee dowladeedu ay tahay mid rasmi ah oo aan Kumeel-gaar ahayn siday horay ahaan jirtay.

Intii aanu madaxweynuhu dhoofin ee uu labadan dal u kicinna,wuxuu Habeen la kulmay hay’adaha ammaanka iyo gudoomiyayaasha degmooyinka Muqdisho. Arrimo aad u baaxad waynna waa uu kala hadlay.

Madaxweyne Xassan waxyaabaha uu dhinacyadaas kala hadlay waxaa ku jiray adkeynta amniga, ka hortaga dilalka gardarada ah, joojinta Kufsiga iyo in qofkii ku kacaa la ciqaabo iyo waliba baabi’inta Jidgooyooyinka Lacagaha Sharci darada ah Gaadiidka looga qaato ee gudaha Caasimadda yaala.

Isla maalintii ku xigtay marka uu arrimahan ka hadlay madaxweynaha, waxaa si lama filaan am u bilowday tallaabooyin lagu tirtiyo goobaha Jidgooyooyinku ay yiileen. Maalmo yarka dibna hay’adaha ammaanku waxay ku dhawaaqeen in dhamaanba Jidgooyooyinkii Muqdisho yiilay la dhameeyay.

Dibad-baxyo ay qaybaha kala duwanee Bulshadu ku taageerayaan arrintan ayaa Muqdisho ka dhacay maalmo badan oo waqtigaas kusoo xigay. Dadkuna waxay arkayeen in horumar wayn oo dowladdu ay gaartay ay arrintani noqonayso.

Jidgooyooyinku mudo dheer bay Muqdisho yiileen,waxaana adkayd waqtiyadii hore in si fudud looga hortago, waayo Maliishiyooyin hubaysan oo taageero ka heysta dadka deegaanka iyo xitaa maamulada degmooyinka qaarkood ayaa halkaas ku sugnaa.

Hadii madaxweyne Xassan amarka uu arrintan kasoo saaray oo qudha ay dhamaan Jidgooyooyinkii u bexeenna, waxaa hubaal ah inay taasina ku biireyso wax-qabadka uu madaxweynuhu ku dhaqaaqay waqtigan kooban.

Madaxweyne Xasan Safar oo marti qaad ka helay madaxweynaha dalka Turkiga ayaa Madaxweynaha iyo Wafdi uu hogaaminaayo safar ku tageen Dishan December 4-teedii, Madaxweynaha ayaa kulamo kala gooni gooni ah layeeshay madaxweynaha dalka Turkey0ga H.E Abdullah Gul and iyo Ra’isul wasaaraha H.E Recep Tayip Erdogan. Booqashada Madaxweyne Xasan oo aheyd tii ugu horeysay oo uu ku tago dalka Turkiga tan iyo waagii loodoortay xilka Madaxweyne.  Waxay sadaxda Mas’uul Madaxweyne Xasan, Madaxweyne Gul iyo Ra’isul wasaare Erdogan kawada hadleen sii xoojinta xiriirka Bini aadan mino ee ay dalka Turkiga kawado Dalka Soomaaliya iyo Horumarinta Xiriirka guud ee iskaashi ee labada Dal.

Madaxweyne Xasan intii uu ku sugnaa dalka Turkiga ayuu lakulmay Jaaliyada Soomaaliyeed eek u nool dalka Turkiga iyadoo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen.

December 13-keedii ayuu Madaxweyne Xasan xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Mudane Idiris Cali iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.  Kulankaas waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Professor Maxamed Sh. Osman Jawaari iyo mudanayaal ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya.

Isla habeenkaas waxa uu madaxwyne Xasan casho sharf ugu sameeyay Villa Soomaaliya Mudane Idiris iyo wafdigiisee. Kulankaas oo looga hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii labada Baarlamaan ay u yeelan lahaayeen xiriir iskaashi iyo wax wada qabsi.

Iskusoo wada duube dalku wuxuu u baahanyahay tallaabooyin dheeraad ah oo horumar iyo wanaag u shaqaynaya. Waxaana rajada bulshada Soomaaliyeed iyo tan dalkuba ay ku xirantahay inay dowladdu kusii socoto howlaha ay iminka qabanayso illaa ay ka gaarto in dalku uu noqdo goob nabadoon, rabshaduhuna ay si guud ahaaneed usoo dhamaadaan.

.

Mohamed Abdullahi Dhaaley iyo Abdisalan Hussen Joker

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Mogadishu-Somalia

_______________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 18, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.