Geelloow: horumarin af mise horseed aafo?! Q1AAD

Bashir M. Hersi

Inta faraxsan kuma jiro, inta hambalyeynaysa kama mid ihi, inta jadbaysanna haba igu soo qaadin, maxaa iga reebay? Adaa ogaan doonee, bal ila sii dhiraandhiri qormada. Jabuuti baa kulan ka dhacayaa, maanta looga hadli maayo sidii Soomaali loo NABADYN lahaa, ee waxaa loo fadhiyaa af Soomaaliga, af Soomaali aa? Haa, af Soomaali baa loo joogaa,.

Imisaad maqashay shir dib u heshiisiin baa Jabuuti ka dhacay? Meeqo ayaad maqashay Madaxweynaha Jabuuti ayaa arrimaha Soomaalida ka hadlay? Ma yara, mana la soo koobi karo, haddana, maanta si kale baa xaalku yahay, dhan walba, heer Jabuuti ciidan u soo dirtay gudaha Soomaaliya, wax walba waa lagu sheegi karaa, balse, waan u soo laaban doonaa.

Maanta waxaa loo fadhiyaa shir AF ku sheegan, waxaa fadhiya gadaahiibtii, xeeldheerayaashii; Dhaqanka, Hiddaha iyo Afka Soomaaliyeed. Soomaalida dhexdeedana magac ku leh, ayna ka mid yihiin: Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame “Hadraawi” Xuseen Sheekh Axmad “Kadare” Aw Jaamac Cumar Ciise, Abwaan Cabdillaahi Macallin “Dhoodaan” Abwaan Xasan “Ganey” Prof Siciid Saalax Axmed, Prof Cabdalla Maansuur, Dr Maxamad Daahir Afrax, Boobe Yuusuf Ducaale, Prof Giorgio Banti, Axmad Faarax Cali “Idaajaa” Dr Jaamac Muuse Jaamac, Cabdillaahi Sheekh Axmed, Prof Annarita Puglielli, Xasan Cabdi Madar, Axmed Aw Geeddi, Maryan Caarif IQB.

Sida magacyadaba laga garan karo, meesha waxa looga hadlaa waa af iyo dhaqan, ee siyaasad iyo sad kursi midna ma yaalliin, haddana, iyaduba siyaasad kaba marnee, aan wax yar ka dhaho sida xaalku yahay iyo meesha loo socdo, ee aan marna ka marnayn dan gaar ah, yaa se leh?

Maalintii afka Soomaaliga la qoray ama la qorayey, marna maanka lama galin in Jabuuti marti looga noqon doono, haddana, waa adduun iyo xaalkiise, oo danuba tiri.  Saday u dhacday dawladdii Soomaaliya, waxaa la dumay waxyaabo badan oo aan dawlad iyo maamul la’aan hore u socon karin, ee maalintaa maxaa dhacay?

Shirkii Jabuuti 1991

Maalintii dawladdii dhacday shirkii u horreeyey ee Soomaali loo qabtay wuxuu ka dhacay Jabuuti, dhacayna bartamihii bishii Maarso gugii 1991-dii. In kasta oo aan wax weyn ka so bixin, haddana, waxaan dhihi karaa, wuxuu ahaa shirkii Soomaali kala shiilay, waxaana laga garan karaa kii xigay sida wax u dheceen, oo qabsoomay bishii Luulyo isla hilaadadaa, oo Cali Mahdi Maxamed loogu soo doortay Madaxweyne KU MEEL GAAR ah.

Waxaa mudan in la xuso Cali Mahdi Maxamed kama mid ahayn raggii u soo Jabhadeeyey sidii Kali Taliye; Maxamd Siyaad Barre xilka looga qaadi lahaa, haddana, sidee ku dhacday, raggii Kali Taliye; Maxamd Siyaad Barre qori caaraddiis uga saaray Madaxtooyada iyagoo Muqdisho jooga inaan shirkaa laga qaybgalin? Adba ugeedka laga lahaa halkaa ka garo.

Sida caadigaa ama maangalka ah waxay tahay, inay kala mudan yihiin nin arrin u soo dhabar jabay iyo nin  maanta soo isgaatay, ee aan waxba u soo qaban. Kuma lihi Cali Mahdi lug kuma lahayn talada xilka looga qaadayo Kali Taliye; Maxamd Siyaad Barre, balse, Jabuuti taa baddalkeed baa ka dhacday, oo waxaa shirkaa lagu abaalmarshay rag aan u soo dhibaatoon sidii Kali Taliye; Maxamd Siyaad Barre xukunka looga tuuri lahaa, kaaga darane, waxayba u badnaayeen raggii shalay baallaha uga jiray Rajiimka, waxaa xusid mudan, in ay Muqdisho ka dheceen mudaharaadyo looga soo horjeedo shirkaa iyo natiijada ka soo baxdayba.

Shirkaa waxaa laga dhaxlay dagalkii ugu horreeyey ee dhacay maalintii Kali Taliye; Maxamd Siyaad Barre isaga baxay dalka, wuxuu ku caan noqday DAGAALKII AFAR BILOODKA, wixii ka dhacayba ka sheekayn uma baahna, oo Cali Mahdi Maxamed iyo Gen. Maxamed Faarax Caydiid ay hormuud ka ahaayeen, sida loogu riiqmay iyo rafaadka ka dhashay wali way dambayeen.

Haddii dibiritaa nagu dhacday, Al Xaji Jabuutina sabab u ahaa, illeen qof lagu yiraa madax baad noqonaysaa si uu ku diidaa waa adag tahaye, waxaa tihaa lagu jiray toban sanoo dhalatay oo dhammaatay, intaa Jabuuti bannaanka ayey ka eegaysay, maba ahan dawladdii shalay masuulka ka ahayd inayd macmalka KU GEERKA soo samaysay.

Shirkii Carta 200

Haddii halkaa toban sano ku dhammaatay, oo Waqooyi gooni isu taagay, Bari maamul beeleed laga sameeyey, walina leh waxaan ku dhex jirnaa Soomaali, aanse dhaqankeed lahayn, ayaa waxaa mar kale lagu qabtay Jabuuti shir dib u hishiisiineed, shirkaa oo ku caan baxay SHIRKII CARTA, madaama lagu qabtay tuulada magaceedu yahay CARTA, wuxuu ahaa shirkii ugu ballaarnaa ee Soomaali loo qabto, sidii ay u dhacday dalwaddii, illeyn waxaa jiray shirar ka dhacay Addis Ababa iyi Qaariha.

Shirkaa wuxuu ahaa aafadii labaad ee Jabuuti Soomaali u gaysto. Adba ila eeg. Waxaa jirta xan hoose oo ku aaddan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo ah inuu ka mid yahay KOOX DIIMEEDKA loo yaqaan TABLIIQ, oo u dhaqdhaqaaqda qaab DACWADEED aan ku jirin rabshad iyo qas, inay run tahay iyo in kalaba, Geelle wuxuu awood qaybsiga Siyaasadda Soomaalida ku soo daray laba cunsur oo qatar ku ah, kaliya mahane, dimoqoraadiyaddana dhan ka ah, ooba cuuryaamiyey.

Shirkii Carta ee Jabuuti waxaa ka soo qaybgalay qaybo badan oo ka mid Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururada Bulshada, Abwaaniin, Fannaanin iyo dabcan Odayo dhaqameed. Shirkaa wuxuu ahaa shirkii u horreeyey oo qaab BEELEED looga qaybgalo, intii hore shirar la qabtay, dhammaan kuwii waxaa lagu tagi jiray magac URUR SIYAASADEED, dabcan badankood waa qabiil la siyaasadeeyey, balse, sida shaarka looga siibay hore uma dhicin.

Shirka waxaa looga qaybgalay qaab BEELEED, waaba la ogaa in shirka dhexdiisa UGAASYO aan waligood la maqal lagu magacaabay, qaar kale, shirkaa ka dib ayey samayasteen UGAAS guud, oo aan sooyaalka lagu sheegin, waad iska garan kartaa, waa boos buuxin iyo magac bug ah.

Cunsurkaa liita ee ah BEELO in shirka looga qaybgalo, waxaa sii dheeraa inay mar kale Soomaali u horseedeen dhibaato lixaad leh, haddii awalba uu jiray dhaqan xun oo la xiriira HAYB SOOC iyo ISIR TAKOOR BEELAHA qaar lagu hayo, sidee loo soo qaatay ama loo maaniyey in BEELO badan inta la isku daro laga dhigo hal beel? Middan waxay ahayd tii labaad ee Jabuuti Soomaali ku dhabarjabiso.

Waligeed Soomaali lagama maqal wax la yiraa AFAR iyo BAR, waxaa laga dhaxlay Shirkii Carta, oo dad badan oo Soomaali ah u arkaan Shir XALAAL ah, aniguse aan dhihi karo wuxuu ahaa shirkii ugu XAARAANsanaa, maadaama u horseeday HAYB SOOC kii ugu darnaa ama ugu xumaa.

Nacaybka Xabashi ama Kenya loo qabo, yeysan naga qarin inta xumaan noo qooshtay Jabuuti, isagama kacsani oo dhirif gaar ah ima hayo, balse, waxa aan ka hadlayaa waa dhacdooyin iyo taariikh qoran, qaarna wali taagan yihiin, oo aanba dhammaan, lase qori doono.

Waxaan jeclaan lahaa inaan sii xoojiyee, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, inuu Soomaali kala qaybshay ee waliba kala fadilay kuma ekaynsan, ee wuxuu la soo baxay wax aan siyaasad iyo sirteed ku shuqul lahayn, markii Baarlamaankii la dhisay, ayuu la haray magacaabidda toban Xildhibaan, la yaabku wuxuu ahaa markuu ka dhigay TOBAN WADAAD, xisaabta ku darsada, xilligaa Muqdisho waxaa si xawli ah uga socotay wixii dib ka noqday MIDAWGII MAXKAMDAHA, una sii xuub siibtay ALSHABAAB.

Waa iga su’aale, tobankaa Xildhibaan ma waxay matalayeen Beesha Jabuuti? Dabcan inaysan magaca Beesha Jabuuti ku soo galin way caddayd, haddana, qofkii jago aadan mudnayd kuu dhiiba, xil gaar ah baa idin ka dhexeeya! Aanba si kale u dhigee, yey mataleen tobankaa, marka laga soo tago in la yiri; Madaxweyne Geelle ayaa lagu sharfay? Anigu ma garan.

Midda kale, maxay ka walaxtay in Mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu kali la noqdo magacaabista toban Xildhibaan oo Soomaali ah? Kaba xune, oo haddana, ka dhigay  toban wadaad, meesha ma xil siyaasadeed baa lagu qaybsanayey, ma xil wadaad, ma xil beelo kala mudan yihiin, mise waxaa lagu dhisay dawlad Soomaali [Koofur iyo Waqooyi]? Run ahaan, dhacdadaana wax ka gadooday ama ka hadlay ma jirin, iyana sidaa ayey ku martay.

Aan ku xasuusiyo, shirkii Soomaali u horseeday colaadda dagaalka sokeeye, ee ah dhismihii Dawladdii MANIFESTO ee Cali Mahdi Maxamed looga dhigay Madaxweyne, ee uu ka gadooday Gen Caydiid iyo xulufadiisii ay isla soo jabhadeeyeen, toban sano ka dibna, AFAR iyo BAR ayaa Jabuuti noogu deeqday, kuma ekaysane, waxay ku takri fashay inay u madax bannaanaatahay magacaabista qayb ka mid ah Baarlamaanka.

 

Shirkii Jabuuti 2008

Siddeed sano ka dib, waxaa mar kale shir la isugu tagay Jabuuti, ee kala dhacay horraantii iyo dabayaaqadii sanadkii 2008-dii. Maalintaa shaarka AFAR iyo BARKA waxaa ku wehliya mid kale oo ka sii dacar badan, waana SHAAR DIIMEED, ha illoobin shirkii Carta baa waxaa ku jiray toban Xildhibaan oo Mudane Geelle Magacaabay, oo dhammaan wada ahaa WADAADDO. Maanta waxaa shirka jooga kuwo magac Diimeed ku yimid, aqriste, maxaa kuu baxay? Isku xir fiican ma samaysay?.

Tobankii Xildhibaan ee shirkaa Geelle magacowday, maanta waxay ku yimaadeen iyagoo koox hubaysan ah, ha moodin inay tobankii yihiin, balse, toban aan tolnimo lagu siin, ee Geelle loogu deeqay ayaa waxaa ka dhashay toboneeyo kale, xaggee xaal ku dambeeyey?.

Shirkan dambe, wuxuu isna horseeday in lagu ansixiyo tiradii ugu badnayd ee Baarlamaan Soomaali yeesho intii Dawlad Soomaali jirtay, waxaana taa keenay ka dib markii ay meesha yimaadeen tiro aan yarayn oo magac diin ku socoto, horana ay u joogeen 275 magaca AFAR iyo BAR ku joogay.

Waxaa lagu go’aan saday in tiridaa beelaysiga xun ah lagu daro intoo kale oo WADAADDO ah, ee haddana, iyaguna qaab BEELEED ku sii qabsaday. Midda la yaabka ah baa ahayd, SHARIIF SAKIIN goormuu WADAAD noqday, illeen kuwaa ayaa ku soo galay magacaaye? Kaba darane, ma garan waayeen marba haddii awood qaybsi la joogo, in labada BALAAYO mid laga taqalluso, ee kala ah BEELAYSI iyo DIIMAYSI, oo ay mid uun qaataan?! Dhibka baase ahaa inay labadii BELO ay wada qaateen, ayna sababtay in Baarlamaanka la gaarsiiyey 550, oo aan u baxshay: TIRO BADNE, TAYO YARE!

Qaybaha soo socda waxaan ku eegi doonnaa kaalinta Jabuuti Soomaaliya ku lahayd afartii sano ee u dambaysay, anoo ku soo xiro doono shirkan afka ku saabsan iyo sida wax yihiin.

 .

.

F.G: Fisha qaybta xigta ee qormada.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

__________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 21, 2012. Filed under Faalooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.