Geelloow: horumarin af mise horseed aafo?! Q2AAD

Bashir M. Hersi

Qaybtii kowaad ee qormada waxaan ku soo qaadaadhignay saddaxdii shir ee Jabuuti ka dhacay iyo aafada ka dhalatay, aan kuu soo kooboo ku xasuusiyee, shirkii Soomaali u horseeday colaadda dagaalka sokeeye, ee ahaa dhismihii Dawladdii MANIFESTO ee Cali Mahdi Maxamed looga dhigay Madaxweyne, ee uu ka gadooday Gen Caydiid iyo xulufadiisii ay isla soo jabhadeeyeen, toban sano ka dibna, AFAR iyo BAR ayaa Jabuuti noogu deeqday, kuma ekaysane, waxay ku takri fashay inay u madax bannaanaatahay magacaabista qayb ka mid ah Baarlamaanka, siddeed iyo toban sano ka dibna waxay soo horseedday baarlamaankii TIRA BADNE TAYO YARE, ee 550 Xildhibaan ahaa.

Halkanna waxaa ka billaabayaa qaybta labaad ee qormada, ee bal sii aqri, adoon degdegin, illeen mar walba waxaan warin doonaa waa dhacee, inay qaraar tahay waan dareemayaa, balse, ha i dagaalin, ee midda aan dhiraandhirshay mid been ah car ka soo hel, iska daa inaan si xun u dhigee.

Marka aan sheego, yaan la dhihin sama sheeg ma tihid, illeen marka aan samo sheeg noqonayo waa marka aan arko samo la falayee, haddiise wax walba ee la sameeyo ay gurracan yihiin, gadaalna ka go’an yihiin, ee aan warsho ma anaa ku eed leh, mise ninkii dhacadaa sababay? War anagaa ebtelo aragnay!

War Soomaalida maxaa ka qaldan baa lagu leeyahay? Haddii aanba Sooyaal la sheegi karin, goorma ayey wax toosaayaan? Oo ka dhigan inaan midda taaganna laga hadli karin, illeen FIDNO WADE ayaad tahay haddaad ka hadashee, oodna ku noqon QAAB XUN WAX U SHEEGE! Aniguse waxaan leeyahay si aan wax xun loo sheegin yaan wax xun la samayn.

Haddii intaa ku fillaa waysay Jabuuti, maanta waxay la timid udbaheedii, oo waxaa Waddanka ka jooga Ciidamo hoostaga kuwan ku magacaaban AMISOM. Waxaa taa garab socday duqaymo joogta ah oo loo gaysto qaybo badan oo ka mid ah Waddanka Soomaaliya, laga soo billaabo Bari illaa Gedo laga gaaro.

Dhawaan waxaa si cad loo caddeeyey in Diyaaradaha duqamayaha ka gaysta Soomaaliya ay ka soo duulaan Jabuuti, ma ahan sheeko baralleey iyo hadal dad lagu durayo ama kuwo kale lagu kicinayo, ee waxaa qoraya wargaysyada adduunka, oo ka soo xiganaya Siroodnka Maraynkanka ee CIAda. Bal liilkan hoose ka aqriso:

http://www.spiegel.de/international/world/pain-continues-after-war-for-american-drone-pilot-a-872726.html

Kaba kaalay war shisheeyee, ma ogtahay in Jabuuti ay ku taal xarunta NATO ugu weyn ee ay ku leedaahy geeska Afrika?

Mindhaa waa lagu Wardiyaa, oo dimaha ayaa laga fidiyaa? Mayee, waa xarun tamashle iyo dalxiis loot ago! Inaadan sidaa isla hayn waa ogahay, ee waxa ay qabataa waa hagidda duqaymaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Mudane Geelle inta uusan noqon Madaxweynaha Jabuuti, wuxuu ahaa xubin ka tirsan Sirdoonka Jabuuti, sidaa awgeed, waxaa wali taagan dacwad ka dhan ah, oo lagu tuhunsan yahay inuu isagu ka dambeeyey qaarijinta  Muwaadin Faransiis u dhashay.

Su’aasha cinwaanka aan u laabtee, ma idin la tahay ninkii intaa oo luggooyo ah kugu sameeyey inuu maanta af horumarintiis u hawlgalayo? Runta marka laga abbaaro arrintaa waxaa ku hoos qarsoon go’aanno siyaasadeed, oo yey u danaynayaan? Sida cad ee biyo kama dhibcaanka ah, waa in  Mudane Geelle ka dhiganayo gidaar iyo gabbaad.

Mid aan muran ka jirin baa ah, in loo baahan yahay in af Soomaaliga la hormarsho, la sii turxaan baxsho, si uu u noqdo af baahida jirta dabooli kara. Waanse u soo laaban doonaaye, waxaa kaloo lama huraan ah in aan la isku qaldin hormarin af iyo hoggaan doonis, illeen Mudane Geelle ujeedka  kobcinta afka, waxaa u dheer inuu isu muujinayo NABADDOON SOOMAALIYEED, kase dheere, illeen intuu Soomaali luggooyey ayaan yarayne, kaba darane, inta uu ku hayo Walaalaha Jabuuti ayaa ciiddaan ka badan.

Waxa loo cocdaa waa; taariikh dhaanneed markay dhacaysay, ee rag kale dhaameen in la sii dhaamo. Waxaan uga jeedaa, in aan sooyaalka dhaw ee Soomaalida lagu arag taariikh la ammaano, bal adba xasuuso Ina Cabidlle Xasan, ee intuu dad kale xagga iska marshay ay ka fakan waayeen dumarkii, ogow waxaa jirta wax la yiraa: BIRIMAGAYDO! Oo ay ugu horreeyaan DUMARKA, CULIMADA, UGAASYADA IWM, ninka intaaba kama nabadgalin, taariikhdaa dhaammaneed, ee raggii wax ka qoray ku dhaameen inay ninkaa oo kale HALYEEY nooga dhigaan, ayaa maanta dib loo sii dhaamayaaa, ka dib markii intii dhammaaneed la sii dhaamayo.

Taa waxaa u daliil ah, meeshii laga rabay in xoogga la saaro eray bixin, kobcin iyo dheellitirid af, in loo jeestay in la macno badalo gabayo hore, taa oo uu Rajiimku ujeed ka lahaa, in lala wada ogyahayse Allaa naga og, balse, muujinaysa heerka wax dhaamidda gaarsiisan yahay, waxaanba ka baqayaa in Qaamuskan cusubna lagu soo daro: “waxaan kaa iri, waxay iga tiri, wuxuu kaa yiri iwm

Dhaleecayn ugama jeedo, oo af guriyadaa badan ee jira ayey ka mid yihiin, haddana, haddiiba loo jeestay cayn wareejin sooyaal, kuwani waaba ku luqluqo, bal liilkan hoose sii eeg,

http://www.weedhsan.com/index.php/qalinleyda-weedhsan/ibraahim-hawd/3774-daraawiishi-yaa-ay-ahayd-wq-ibraahin-yuusuf-axmed-hawd

Mudane Ismaciil Cumar Geelle hammiga ku jiraa waa inuu noqdo garwadeen ka arrimaha Soomaaliya, sidaan soo caddeeyana geed dheer iyo gaaban buu u fuulay inaysan dhismin dawlad Soomaali oo uusan isagu soo dhoodhoobin, si kale aan u dhehee dawlad uusan isagu madaxdeeda madax u ahayn.

Hammiga Geelle ku doonayo inuu hoggaanka u qabto dawlad Soomaaliya ka dhalata waxaad mooddaa inay hirgalayso, adba eeg, Xasan Sheekh socdaalkii u horreeyey wuxuu ku tagay Jabuuti, malaha macne ma lahayn? Inta aysan u lahayn marka laga soo tago, haddana, farriin buu xambaarsanaa.

Dhanka kale, baaqyada Geelle sida joogtada ugu diro dunida ee uu kaga faallooda arriimaha Soomaaliya, iyagu ma iska walaaltinimaa? Mise qorshe baa ku dambeeya? Wanaag dadka qaar ha u arkaan, balse, aan sidaa wada ahayn, adigu dhimo anigu aan noolaado baa lagu macnayn karaa.

Mudane Geelle Isagoo hammigaa ku xaqiiniya dhan siyaasadeed, maanta wuxuu ku daray dhankii dhaqanka, oo hadda ma billaabine xasuuso, waa kii toban Xildhibaan ku qaatay shirkii Cartee, ee maanta waa sii ballaarshay, isagoo shaar af iyo arar ku soo amabaday.

Waxaa xusid mudan in Hotellada ku yaallay Jabuuti dhammaadkii siddeetameeyadii iyo horraantii sagaashamaadkii in lagu maalgashay lacagta BANGIGA GANACSIGA SOOMAALIYEED, sidoo kale xilligaa badi GAWAARIDA GAADIIDKA DADWEYNAHA ee ka shaqeeya Caasimadda Jabiiti waxaa iyana maalgaliyey BANGIGA GANACSIGA SOOMAALIYEED, ninkii intaa oo wanaag ah loo sameeyey, maanta muxuu nagu samaynayaa?

Maalmahan waxaa la wadaa dacaayad ah in markii u horreesay ay “SHANTA SOOMAALI” ku kulmayso afartan guuradii ka soo wareegtay Far Soomaaliga, taa waa been aan waxba ka jirin, afka qoraalkiisa Soomaali ka maqnaa ma jirin, markii la qoray ka dibna, maalin walba ayey isku arkaan oo wadaagaan. “SHANTA SOOMAALI” meel ay isku arkeen waxaa ugu horraysay uguna dambaysay GEERIDII MELES, oo qolo walba si gaar ah uga qaybgashay!

Midda aan la yaabay baa ah, marka ay leeyihiin “SHANTA SOOMAALI” haddana ay shirka joogaan; Xasan Sheekh, oo Madaxweyne u ah qayb ka mid ah wixii la dhihi Jamhuuriyadda Dimoqoraaddiga Soomaaliya, Silaanyo, oo hoggaansha Maamulka Waqooyi ee gooni isu taagga sheegtay, horjoogayaasha Soomaali Galbeed iyo mas’uuliyiin ka socda Gobolka Waqooyi-Bari ee NFD iyo dabcan Mudane Geelle oo marti loo yahay.

Aqriste, meeshan ma “SHANTA SOOMAALI” baa kaaga muuqata? Aniga waxaa iiga muuqda waa lix Soomaali, haddaa maxaa dadka loo indha sarcaadinayaa, oo looga dhigayaa inay “SHANTA SOOMAALI” joogto?

Anigu waxaanba qabaa inaysan shirka joogin “SHANTA SOOMAALI” ee ay isugu tageen BEEELO Soomaali, maxaan uga jeedaa? Aan bal jilciyo, maadaama aan dawlado joogin marka laga reebo midda martida loo yahay [JABUUTI] iyo midda Xasan Sheekh hoggaansho [JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA] oo iyana aan barba ku ool, waxaa meesha isugu yimid BEELO la ballaarshay. Waqooyiga maamulka laga marti qaaday maanta kama taliyo deegaannadii uu maalin dhaw sheegan jiray, sidaa awgeed, waxay ku habboonayd, inaan beelaha kale laga tagin, sida: KHAATUMO STATE, GALMUDUG, XIMAN IYO XEEB, PUNTLAND IQAB.

Midda kaba sii daran baa ah nimanka ka soo qaybgalaya oo siyaasiinta ku sheegan in qaar badan oo ka mid ah deegaanka ay ka yimaadeen aanba afka laga adeegsan, ha moodin inaan qolo gaar ah ka hadlayo, ee waa dhammaan.

Midda ka sii xun baa ah, inay ka wada siman yihiin in mar walba ay wada adeegsadaan af Soomaali jaban, waxaan uga jeedaa dhanka qoraalka iyo dhigaalka, haddaba, shir caynkan ah oo ay ka qaybgalaan muxuu u soo kordhinayaa, aan ka ahayn casuumadda iyo inuu xoogaa soo luga baxsaday?.

Dhanka kale, waxaan isku dayey inaan wax ka ogaado degalka ay leeyihiin qolada lagu sheego S SOMALI PEN http://www.sspen.org/ haddaan booqday waxaa uun isdaba maraya waa sawirrada Mudane Geelle, oo mar buug gacanta ku haysta, marna dad gacan qaadaya iyo dhawr carwo buugeed. Dabcan isagaa dhaqaale ku baxshay, balse, taa macnaheeda ma ahan in mareegta dhan laga dhigo sawirradiisa kaliya, wuxuu yiri Abwaan Soomaaliyeed oo ka hadlayey kelitelisnimada iyo annaaniyada:

Hitler baa u weyn wiil arlada geliya hawl weyne

Isagiina meel haad ku cunay hubanti loo waaye

 

Midda kale ee mareegataa aan kula yaabay waxay tahay, marka ay tilmaamayaan laamaha ay dunida ku leeyihiin, waxay ka billaabeen UK, sida aan filayana, xarunta waxaa loo sio wareejiyey Jabuuti, haddaa saw ma ahan in Jabuuti loo hormarsho, maadaama uu ku yaal xafiiska ugu weyn? Ma dhicin.

Intaa kaliya ma ahan, ee sidoo kale, marka ay ka hadlayeen laamaha kale, markay tilmaamayeen maamulka Waqooyi ee uu hoggaansho Siilaanyo waxaa loo qoray Hargaysa, dabcan, waa sax, oo magaalada xafiisku ku yaal ayey eegeen, balse, xarunta ku xigta ee ay tilmaameen waxay noqotay Puntland, ee uu ka arrimiyo Faroole, oo xafiisku ku yaal Garoowe, haddaba, saw ma ahayn sida aan loo xusin Somaliland inaan Puntlandna loo xusin oo magaalada kaliya lagu ekaado? Anigu ma garan. Wuxuu yiri Abwaan Soomaaliyeed oo arrintan oo kale ka maansoodey:

Danbaaburiyo gaaraabidhaan fiid is daba yaacay

Danbas iyo wax nool kay yihiin daa’im baa garane

Dab iyo qiiqna waan kala aqaan saa duqbaan ahaye

 

Waxa looga jeedaba, ma hobbaanayn aragtidayda, illeen waxay keenaysaa in midna magaca uu sheegto loo qoro, kii kalana laga reebee. Midda ugu dambaysa ee ku saabsan mareegtaa waxay tahay, magaceedu waa magac qalaad, haddana, waxay ku leeyihiin waxay ka shaqaysaa sidii af Soomaali loo hormarin lahaa? Malaha waxay ka shaqeyaan waa sidii loo qalaadayn lahaa!

Geelloow: horumarin af mise horseed aafo?! Q1AAD .

-

F.G: Fisha qaybta xigta ee qormada.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 24, 2012. Filed under Faalooyinka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.