Baarlamaanka oo ansixiyay miisaaniyada sanadka 2013

Kulan ay maanta isugu yimaadeen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyada ay ku shaqeynayso dowlada federalka Soomaaliyeed sanadka 2013ka.

Baarlamaanka oo cod u qaaday ansixinta miisaaniyada ayaa waxaa ogolaaday 176 mudane iyadoo ay kulankana ay goobjoog ka ahaayeen 177 mudane.

26-kii bishan ayaa mudanayaasha baarlamaanka dib u celiyeen miisaaniyada ay ku shaqeynayso dowlada iyagoo ka codsaday dowlada inay wax ka bedesho qarashyada ku baxa xafiisyada dowlada iyo in la cadeeyo mushaarka uu qaadanayo askariga Soomaaliyeed.

Wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan oo kulanka lagu ansixiyay miisaaniyada ka qayb-galay ayaa waxa uu faahfaahin  ka bixiyay qodobadii ay diidanaayeen  xildhibaannada waxana uu sheegay wasiirku in  dhaqaalihii ku baxayay xafiisyada madaxda dowladda la dhimay, lana kordhiyay dhaqaalaha ciidamada ay mushaar iyo gunno ahaan u qaadanayaan.

Wasiirka maaliyada ayaa waxa uu mudanayaasha baarlamaanka u sheegay in dowladu ay qorsheysay qaabka canshuuraadka loogaga qaadayo dalka isla markaana ay saameynayso guud ahaan dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee dalka.

Ansixinta miisaaniyada dowlada ee sanadka 2013ka ayaa waxaa ay dhacday maalin kadib markii ay mudanayaasha baarlamaanka ay ansixiyeen wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha Dowlada Federalka Soomaaliya.

.

.

_____________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.