Lataliyaha Madaxweyne Xasan oo kulan laqaatay boqorka Saciidiga

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ahna La taliyaha Madaxweynaha Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed ayaa kula kulmay magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Wasiirka Arrimaha dibada Sacuudiga Amiir Sacuud Al-Feysal.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa Wasiiru dowlaha Madaxtooyada waxaa uu Amiir Sacuud Al-Feysal u gudbiyay warqad uu kaga siday Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ku socotay boqorka Sacuudiga Amiir Cabdalla.

Labada Mas’uul ayaa la sheegay inay ka wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyo sidii dowladda cusub ay taageero uga heli laheyd Boqortooyada Sacuudiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal ugu jira sidii xiriir wanaagsan ula yeelan lahaa dalalka Carabta, si la mid ah dowladdii hore ee KMG aheyd, oo xiriir fiican la laheyd Carabta.

La taliyaha Madaxweynaha Faarax Sheekh C/qaadir ayaa horay madax ugu soo noqday Hey’adda Muslimiinta Afrika, isagoo ah nin ku xeel dheer xiriirka arrimaha carabta, maadaama hey’addaas ay hostageyso hey’ado badan oo Carbeed.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa kaalin mug leh ka qaadatay gurmadkii abaaraha iyo macluushii ka dhacday Soomaaliya sanadkii 2011, xilligaasoo ay dalka keentay deeqo mucaawino ah oo ay ugu tala gashay dadka Soomaaliyed.

.

______________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.