Madaxweyne Xasan oo lakulmay wafdigii booqday Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Wafdigii Wasiirada ahaa ee dhowaan booqday magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, iyadoo Madaxweynaha ka dhageystay warbixin ku saabsan safarkoodii iyo wixii ay la soo kulmeen.

Kulankan oo ahaa mid Madaxweynaha iyo wfadigii dowladda u dirtay Kismaayo ku kala warqaateen ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo hogaaminayay Wafdiga ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha kulamadii ay la qaateen Maamulka KMG ee Kismaayo, odayaasha dhaqanka, isagoo tilmaamay in booqashadooda ay si guul iyo is afgarad ugu soo dhamaatay.

Mr Guuleed ayaa sheegay inay booqdeen goobo kala duwan oo ay ka mid tahay Dekeda Kismaayo iyo isbitaalka, waxaana uu cadeeyay inay ka jirto meelihii ay soo arkeen daruufooyin adag.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo gaba gabadii kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay wafdiga Wasiirada sida wanaagsan oo ay ugu kuur galeen xaalada magaalada iyo nolosha dadka ku dhaqan, waxaana uu xusay in dowladda ay wado qorshe ku aadan maamul u sameynta Jubooyinka.

Dhinaca kale waxaa dhowaan la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wafdi ka socda Maamulayaasha Kismaayo, si loo ambaqaado howsha maamul u sameynta oo noqon doona mid dowladda ay hogaankeeda qaadato.

Xukuumada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay maamulo ugu sameyn laheyd qaar ka mid ah gobolada dalka, iyadoo dhowaan wafdi u diri doonta Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

/

/

________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.