Muqtaar Cuti.Abuukar Shiino vs Baarliin Cadaawe oo ku Guuleystay Codeyntii loo qaadayay Barisamaadkii Kubada cagta iyo Koleyga.wiilasha vs Gabdhaha

Muqtaar Cuti.Abuukar Shiino vs Baarliin Cadaawe oo ku Guuleystay Codeyntii loo qaadayay Barisamaadkii Kubada cagta iyo Koleyga.wiilasha vs Gabdhaha

Waxaan Maanta idin soo qadimeynaa Warbxin ku saabsan Natiijadii codeynta loo qaadayay Xidigihii ugu Wanaagsanaa Barisamaadkii dhinaca Kubada Cagta,koleyga Wiilasha iyo Gabdhaha,waxana Codeyntaan oo aheyd wareegeedii 2 Ciyaartoyda ku Loolameysay ay ku kala qaadaayeen Ciod Hal dheeri ah ,Hadii la waayao Markaasina ciyaartpyda isku dhibcaha Cpdeynta Noqata aya loo qaban lahaa Wareeg Kama Dambeys ah oo 3 Balse ma dhicin waxaana codeyntu Noqoatay mid lagu kala baxay Wareega 2.

Codeyntaan 3 geesppdka aheyd ayaa wareega 2 waxaa ka qeybgalay Ciyaartoyda u soo gudubtay Wareegaasi Maadama wareegii hore uu ahaa mid Furan oo ay ka soo baxayeen Ciyaartoyda dhibcaha hela.

Wareeega 2 oo ahaa mid adag ayaa socday mudo todobaad ah intii u dhaxeysay 15-29 Bishaan iyadoo Manatana lagu dhawaaqay natiijada Codeynta 3 Geesoodka aheyd ee loo qaadayay 3 xidig ee ugu wanaagsnaa Barisamadkii Soomaaliya Kubada Cagta,Koleyga wiilasha iyo gabdhaha

Santuuqa A.

Codeynta Xidigii ugu wanagsanaa Kubada Cagta Soomaaliya Wareega 2aad waxaa ku Tartamayay 4 musharax oo sidaan u kala helay codka

Khaliif Shire Muuse’ Riiko’ oo u ciyaari jiray Badda waxa uu helay 6 cod waxaa ka halabay 1 cod

Maxamed xaaji UUreey oo u ciyaari jiray LLPP wax auu helay 9 cod ma jiirn cod ka halaabay

Cabdulaahi Maxamuud Sarxaan ‘ Eenow’ oo u ciyaari jiray MBC waxa uu helay 9 cod waxa aka halaabay 1 cod

Muqatar Maxamed Axmed’ Muqatar Cuti’ oo u ciyaari jiray Batroolka waxa uu helay 12 cod ma jirin cod ka Halaabay

Xidiga Kubada Cagta Soomaaliya ugu wanagsana Barisamadkii Codeynta aanu qaadnay waxa aku guuleystay Muqtaar Maxamed Axmed’ Muqtaar Cuti’ Kaalinta 2 waxaa Galay Cabdulaahi Maxamuud Sarxaan Eenow,Kaalinta 2 sidoo kale waxaa la galay Maxamed Xaaji UUreey walow Eenow hal cod uu ka qasaaray,Halka Kaalinta 3 uu Galay Khaliif Shire Muuse’ Riiko’

Santuuqa B. Codeynta Xidigii ugu wanaagsanaa Kubada Koleyga Wiilasha

Axmed Daahir Axmed’ Horseed’ waxa uu helay 5 cod, waxaa ka qasaaray 1 cod

Cumar Cabdulqaadir Baarajab’ LLPP waxa uu helay 7 cod ma jiirn cod ka qasaaray

Cabdulqaadir Xaaji Daahir ‘Sheekha’ Badda waxa uu helay 10 cod ma jirin cod ka qasaaray

Cabdi Maxamed Guuleed’Cabdi Xalwo’ LLPP waxa uu helay 12 cod waxa ka qasaaray 1 cod

Abuukar Axmed Maxamed ‘ Abuukar Shiino’ Muqdisho waxa uu helay 15 cod waxa ka qasaaray 2 cod

Xidigii ugu Wanaagsana Kubada Koleyga dhinaca Wiilasha ee Barisamaadkii waxa u noqday Abuukar Maxamed Axmed’ Abuukar Shiino; Kaalinta 2 waxaa Galay Cabdi Maxamed Guuleed’ Cabdi Xalwo’ Kaalinta 3 waxaa GFalay Cabdulqaadir xaaji Daahir’ Sheekha’ Kaalinta 4 waxa Galay Cumar Cabdulqaadir Baarajab, Kaalinta 5 waxaa Galay Axmed Daahir Axmed

Santuuqa C. Codeynta Xiidgadii ugu wanaagsaneyd Kubada Koleyga gabdhaha.

Waxaa Ku tartamayay Wareega 4 Musharax

xabiibo Xaashi Qaran MUqdisho 6 cod waxaa ka halaabay 1 cod

Sucaado Cabdulaahi Horseed 6 cod waxaa ka haalabay 2 cod

Mulki Nuur Muudeey LLPP 8 cod ma jiirn cod ka Halaabay

Baarliin Maxamuud Cadaawe ENG 11 cod Ma jirin cod ka halaabay

Xidigadii ugu Wanaagsaneyd Kubada Koleyga Xiligii barisamadka waxa noqotay Baarliin Maxamuud Cadaawe oo heshay 11 cod,Kaalinta 2 waxaa Gshay Mulki Nuur Muudeey oo heshay 8 cod,Kaalinta 3 waxaa wada galay Sucaad Cabdulaahi Maxamed iyo Xabiibo Xaashi qaran walow sucaad Cabdulaahi ay ka qasaareen 2 cod waxa ayna wada heleen min 6 cod.

Codeyntaan looqaadayay 22 sano ka dib Xidigii ugu Wanaagsanaa dhinaca Kubada cagta Soomaaliya xiligii Barisamadka,Kubada Koleyga Wiilasha iyo Gabdha ee xiligii Barisamadkja ayaa aheyd mid qarsoodi ah oo dadweyanha ku dhaqan Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ay ku codeynayeen Iimeylkaan UUrdoox2011@hotmail.com.

waxaan u mahadcelinaynaa Ciyaartpydii ku guuleystay Codeynta iyo kuwa laga badiyay intaba iyo Dadweynaha ka codeeyasy gudaha iyo dibadaba.

N.B waxaana ka cudurdaareynaa dadaweyanha codeeyay ooa ad u fara badnaa inaan magacyadooda iyo halka ay ka codeeyeen aanu soo Gudbin weynay Maadam ay ahayeen kuwa Fara badan oo ka kala codeeyay 3 santuuq.

Wadamada ay kaa kala codeeyeen waxa ay kala ahaayeen Dalak Gudihiisa,Kenya,Itoobya,Ugaandha, Norwey,isweden,Ingiriiska Holland,Biljam,Jarmalka,Kanada,USA.Talyaaniga,UAE,KSA, Suudaan, Yaman, Liibiya. Qadar iyo kuwa kale

Waxaa diyaariyay.
Axmed Maxamed cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.