Qaxooti iyo shacab badan oo dalka dib ugu soo laabanaya

Iyadoo dowladda kenya ay dhowaan amar ku bixisay Soomaalida aan sharciga ku joogin dalkeeda inay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga ama dalkooda ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay mashquul laga dareemay garoonka diyaaradaha Muqdisho, oo dad badan oo ka soo ambabaxay magaalada Nairobi ay ka soo dageen.

Boqolaal ruux ayaa maalin walba ka soo ambabaxa magaalada Nairobi, si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, waxaana qul qulka dadka uu ahaa mid maalin walba laga dareemay garoonka diyaaradaha Joma Kenyata.

Duulimaadyada Kenya ka imaan jirtay ayaa maalin walba kordhay, iyadoo maalintii ilaa afar duulimaad ay ka timaado Nairobi, kuwaasoo sida Soomaali fara badan oo dalkooda dib ugu soo laabanaya.

Soomaalida dib ugu soo laabaneysa dalkooda ayaa sheegay inay go’aansadeen markii ay la kulmeen dhibaatooyin la xiriira amni darada ka jirta xaafada Islii iyo amarka dowladda kenya ku bixisay oo ah in dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay in maalin walba ay Muqdisho tagto ilaa shan duulimaad oo ay saaran yihiin rakaab fara badan oo laga qaaday magaalada Nairobi.

Tallaabadan ay dib ugu soo laabanayaan Soomaalida dalkooda ayaa wax weyn ka tareysa in dalka is bedel galo, isla markaana dhaq dhaqaaq ganacsi iyo horumar ballaaran uu ka bilowdo, maadaama Soomaalida ay ganacsigooda dibada u weeciyeen.

.

.

______________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on December 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.