|
January, 11, 2012 - QOL -
Magalada Muqdisho
ee xarunta dalka Somalia waxay waqtiyo hore ahayd meel aad u
qurux badan oo leh wadooyin qiimo leh oo ay dadka
Soomaaliyeed iyo dadweynaha Caalamka ee magaladan imaan
jirayba si isku mid ah u xiisayn jireen.
Hase ahaatee
markii uu dalku galay burburka iyo dagaalada oo ay meesha ka
baxday dowladdii dhexe ee maamuleysa guud ahaan dalka oo
iyadu ahayd mida dhalinaysay inay magaladu qurux badnaato
ayaa waxaa la galay jawi aad u murugo badan oo dadka iyo
dalka Soomaaliyeedba si isku mid ah u saameeyay. Waxaana
burbur iyo baaba’ uu ku yimid dhamaan wixii hagaajinayay oo
kor u qaadayay billicdii magalada oo ay Wadooyinka iyo
dhismooyinka quruxda badan ee ay magaaladu caanka ku ahayd
ay ka mid yihiin.
Hadaba illaa
waqtigaas waxay magaaladu hoy u noqotay burburka aynu
sheegnay, waxaana ay Wadooyinkii waaweynaa ee ay Gaadiidku
isku dhaaf-dhaafi jireen isku badaleen kuwo ay godad boholo
dhaadheer ahi ka qodmeen oo aanay jirin wax gaadiid ah oo
isticmaalaya marka laga reebo tiro aad u yar oo gaadiidka
dadweynaha ah, halka waqtiyadii ay magaladu dhisnaydna si
isdaba joog ah ay tiro aad u badan oo Gaadiid ahi u marayeen
si nidaamsan oo kala soocanna ay gaadiidku u kala isticmaali
jireen Wadooyinka.
Magaladdu iyadoo
hadlaysa waxay mar tiri ( Muqdishaan ahayoo, dal magaalada
madaxdii, waxaan ahay muraayadoo, magaceygu waa caan.
Inkastooy ma yeeraan, maras iyo caruurtii, madaafiic ku
laayeen).
Qormadan waxaan
ugu talla galnay inaan kusoo bandhigno xaaladda guud ee
magalada Muqdisho oo aan si gaar ahna ugaga hadli doonno
Wadooyinka magalada iyo sida ay iminka yihiin.
Marka aynu
Wadooyinka soo qaadanayno waxaynu uga dan leenahay in
maglaadu ay maantay tahay mid ku jirta amaba galaysa jawi ka
yara duwan kii ay kusoo jirtay Sanadihii 20-ka sano ka
badnaa ee lasoo dhaafay oo uu burburku jiray.
Iyadoo sidaas ay
magaladda iyo dalkuba ugu jireen burbur kasoo bilowday
dagaalkii sokeeye ee dhamaadkii qarnigii tagay ka bilowday
Somalia ayaa hadana waxaa Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay
lagu tilmaamaa inay ahaayeen Sanadihii ugu murugada badnaa
ee soo mara dalka gaar ahaanna Muqdisho, waayo magaaladu
waxay xarun u ahayd dagaalo aan abid horay loo arag oo
sababay inay dhamaan dadweynaha iyo gaadiidka magalada ku
sugani isku jiidhjiidhaan oo ay isku ciriiriyaan Waddo
qarda-jeex ah oo Xaafadaha dhex maraysa si la isaga kala
gudbo labo dacal oo ay magalada Muqdisho u qabysantay,
kuwaas oo ay kaga kala sugnaayeen Ciidamada dowladda Somalia
iyo inta raacsan, iyo sidoo kale Maliishiyaadka Alshabab ee
iyagu diidanaa dowaldda iyo jiritaankeeda dagaal adagna kaga
horjeeday.
Jid kaliya oo loo
bixiyay (FARJANO) ayeey dadka Muqdisho isku riix-riixayeen
marka ay isaga kala gudbayaan dhinaca dowladdu ay kaga
sugantahay maglaada iyo dhinaca kale ee ay Alshababku ka
taliyaan. Waxaana halkaas lagu waayay dhamaan wadooyinkii
waa weynaa ee ay magaaladu caanka ku ahayd sida
MAKKA-ALMUKARAMA, DEBKA, WADNAHA, WARSHADAHA, iyo kuwo kale
oo dagaaladu ay xireen.
Balse markii
Ciidamada Xooga dalka Somalia iyo Xoogaga kale ee Afrikaanka
ah ee howlgalka AMISOM matalaya ay isku fidiyeen guud ahaan
magalada, halkaasna ka saareen Maliishiyaadkii Alshabab ee
ka horjeeday ayaa waxay dib Muqdisho u heshay Wadooyinkeedii
waa-weynaa haba iska ahaadeen kuwo burburay oo billic
beelaye.
Marka dadka
Soomaaliyeed ay helaan nafis yar oo ay ku noolaan karanaa
iyagoo nabad ah oo aanu dagaal iyo xabado korkooda ku
dhacayen waxaa lagu yaqaanaa inay u dhaqaaqaan dib u dhis
iyo wax qabsi. Waana taasaa mida iminka lagu arkayo
Wadooyinka Muqdisho ee furmay oo guriyo qurxoon iyo goobo
kale oo billic san ay ka dhismayaan.
Goobihii uu
saameeyay burburkii ka dhacay magalada Saddexdii Sano ee
lasoo dhaafay ayaa waxaa la arkayaa iyagoo si dag dag ah dib
ugu dhismaya, waxaanaba la arkayaa qaab kasii qurxoon kana
horumarsan qaabkii ay deegaanadaas iyo goobahaas inta aanu
qaxa iyo dagaalka lagu kala haaday ee magalada ka dhacay
Saddexdan Sano bilaaban qaab ka duwan.
Si aan wax badan
usoo bandhigno ayaan u dhaqaaqnay inaan soo diyaarino
qormadan oo xambaarsan Sawiro fara badan, waxayna qormadu
soo bandhigi doontaa dhismooyinka iyo dayactirada Wadooyinka
magalada iyo hareerahooda guryaha ku yaala lagu samaynayo
iyo goobaha ganacsi ee ka furmay halkaas iyo sidoo kale
Gaadiidka iyo dadka faraha badan ee is-dhaaf dhaafaya
Wadooyinka.
Intaas waxaa sii
dheer oo ay iyaduna qormadu soo gudbin doontaa howlo xoog
badan oo ay Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada loo
yaqaano ka wadaan Wadooyinka magalada. Runtiina marka aad
aragto howlaha iminka soconaya ee Taraafikada waxaad
ogaanaysaa in isbedel aad u wayn ay magaladu gashay oo
gaadiidleyda iyo Ciidamada Taraafikadaba si isku mid ah ay u
wada shaqaynayaan nidaamkii isticmaalka Wadooyinkana uu si
hagaagsan dib ugu soo noolaanayo ka dib 20-sano oo sharci
daro ah oo ay dadku soo mareen.
Halka hoose waxaad
ka arkaysaa dhowr Sawiro oo ah Guryo laga dhisay Wadooyinka
Muqdisho iyo sida ay Gaadiidka isku dhaaf-dhaafayaan
Wadooyinka, waxaana sawirada aad ka garan doontaan goobaha
laga soo qaaday iyo howlaha soconaya.

DIB U DHIS KA SOCDA JIDKA
MAKKA ALMUKARAMA

AARGADII KM4 OO AAD LOO
QORXIYAY DHAWAAN

GAADIIDKA DADWEYNAHA OO
AAD U BUUXA

HOTELKII JIDDAH EE SIINAY OO DIB
LOO DHISAY

HOWLO DIB U DHIS AH OO KA
SOCONAYA WADOOYINKA MUQDISHO IYO GURYAHA HAREERAHOODA KU
YAALA

HOW-WADAAG OO AY GAADIIDKU IS
DHAAF-DHAAFAYAAN

HOW-WADAAG OO AY GAADIIDKU IS
DHAAF-DHAAFAYAAN

ISGOOYSKA FLORENCE EE XARARYAALE OO
DHAQ-DHAQAAQIISU UU DIB U XOOGEYSTAY

ISGOOYSKA SIINAAY

ISGOOYSKA SIINAAY
Hadaba waxaa kale
oo aan iyaguna dhexda ka galnay si aan wax badan uga ogaano
howlaha ay hayaan Ciidamada Taraafikada oo maalmahanba si
aad ah u shaqaynaya. Markii aan tagnay dhowr Isgooys iyo
dhowr Waddo oo magalada ku yaala oo aan kula soo hadalnay
Saraakiisha Taraafikada ee shaqaynaysa Muqaalka guud ee
howshoodan aan soo sawirnay ayaa waxaan markii dambe
Isgooyska KM4 ee Muqdisho kula kulnay howshii ugu cusleed ee
Taraafikada oo maantay halkaas ka soconaysa.
Taliyaha guud ee
Ciidamada Wadooyinka Muqdisho ee Taraafikada Col. Cali Xirsi
(Cali Gaab) ayaa isaga qudhiisa howsha ka waday Isgooyska
KM4, wuxuuna sitta Jeebadda dadka dambiyada gala lagu xiro
oo uu ku xirayay cid kasta oo Gaadiidleyda ka mid ah oo
khalad ka gasha shuruucda iminka loo dajiyay isticmaalka
Wadooyinka.
Askar fara badan
oo kuwa Taraafikada ah ayaa iyaguna la socday Taliye Cali
Gaab, waxaana intii aan goobta ku sugnaa arkayay dhowr ka
mid ah Darawalada oo uu taliyuhu ku amrayay in la xidho
markii la arkay iyagoo si khaldan Wadada uga gooshaya.
Waxaan la
sheekeestay Taliye Cali Gaab oo isagoo aad u mashquulsan
inaga ogolaaday inuu la hadlo Shabakadan QOL si aan wax uga
waydiino howlaha ay Ciidamadiisu wadaan, wuxuuna inoo
sheegay inay aad iminka u fulinayaan shuruuc cusub oo loogu
tala galay hagaajinta nidaamka iyo sharciga Wadooyinka.
“Waxaan halkan u
joognaa inaan sharciga fullino, dadkan gaadiidka wada waa
dhalinyaro aan wax badan sharciga ka garanayn, laakin waan
baraynaa iminkana si hagaagsan bay howshu inoogu socotaa”
ayuu yidhi Taliyaha o intaas raaciyay in dhawaan maamulka
gobalka Benadir uu keenay qalab loogu tala galay kala
hagista Gaadiidka oo ay Taraafikadu isticmaalayso kaasina uu
wax badan kusoo kordhiyay howlaha ay iminka iyagu wadaan.
Sidoo kale
taliyaha Ciidamada Taraafikada ee Muqidsho Col. Cali Gaab
ayaa wuxuu ii sheegay in sharci adag ay kusoo rogeen
Wadooyinka “ninkii khalad gala waan xireynaa” ayuuna
hadalkiisa sii raaciyay isagoo kor u qaylinaya markaasi uu
hadlayana gacanta u taagaya askarta oo tusinaya Gaadiid si
khaldan wadada u maraysa si ay usoo qabtaan oo
darawaladoodana u ciqaabaan.
Runtii howlahan
marka aad si aad ah u eegto oo aad u dhex gasho waxaad
arkaysaa dardar galin xoogan oo ay Ciidamada Taraafikadu ku
wadaan shaqooyinkooda, waxayna tani imaanaysaa iyadoo si
isla mid ah ay maamulka gobalka Benadir, hey’adaha kale ee
dowladda iyo hey’ado aan dowladda ahayn oo Soomaali iyo
shisheeyba isugu jira u wadaan howlo dib u dhis iyo qurxinta
Wadooyinka iyo dhismooyinka magalada Muqdisho ah taasi oo
wax badan ka badalaysa muuqaalka magalada oo muddo ahaa mid
aanay naftu ku qancayn oo cabsi iyo walwal galinaya qofka ay
waqti dheer aragtida magaaladu ugu dambeysay ee mar qura
inta yimaada sidaa u eega.
Ugu dambeyntii
Shacbiga Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku sugan ayaa
aad usoo dhawaynaya arimahan soconaya ee horumarka ah oo wax
badan kusoo biirin doona dadaalada kale ee dalka oo dhan
lagu hagaajinayo si looga baxo waqti dheer oo dhibaato aan
yarayn ay ina soo heysatay.
Shabakadda
Qaranimo Online waxay
soo bandhigi doontaa oo ay aqristayaasheeda Sharafta leh
dhawaan usoo diyaarinaysaa barnaamijyo tixane ah oo
isbedelada ka jira magalada guud ahaan iyo dhaq-dhaqaaqyada
isugu jira dib u dhiska iyo horumarinta ee ka soconaya 16-ka
degmo ee ay Muqdisho ka koobantahay oo aan degmo kastaba mar
si gaar ah uga soo hadli doonno sawiro iyo qoraalo
faah-faahsanna kasoo diyaarin doono si ay dadku uga bogtaan
waxa soconaya.
Mahadsanidiin.
Mohamed
Abdullahi Dhaaley
feature writer
and columnist in many somali and foreing websites, Sports
and Political Journalist, member in Somali Sports Press
Association (SSPA), and QOL Correspondent in Somalia
Mogadishu-Somalia
mohammed_dhaley@hotmail.com

Xarumo ganacsi oo
wadooyinka ku yaala

DUGSIGII SARE EE AL-MACMUUR
EE WADADA MAKA-ALMUKARAMA OO FURMAY

TARAAFIKADA WADOOYINKA
MUQDISHO

KM4 OO TARAAFIKADA IYO
DADWEYNAHA IYO GAADIIDKUBA SI HAGAAGSAN ISKU DHEX QAADAYAAN

TALIYE CALI GAAB OO
JEEBADDA DADKA LAGU XIRO ULA CARARAY DARAWAL QALAD SHARCIGA
MARISTA WADOOYINKA KA GALAY

TALIYAHA TARAAFIKADA CALI
GAAB OO U WARAMAYA QARANIMO ONLINE


CIIDAMADA TARAAFIKADA IYO
TALIYAHOODA OO SHAQOOYIN CULUS WADA

ASKARIGA OO U WARAMAYA QARANIMO
ONLINE

ASKARI TARAAFIKO AH OO HOWSHIISA
GUDANAYA
|