Kaba-ku-tukada ” Hada leeba ciyaarta bilaabatay”

Waaliga  Al-Shabaab ee u qaabilsan Gobolka Shabellaha Dhexe Sheekh Yuusuf Kaba-kudukade ayaa sheegay inay wadana qorshayaashii u dambeeyay oo ay weeraro ugu qaadayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan deegaanada gobolkaas.

Kaba-kudukade oo la hadlay idaacada afka Shabaab ku hadashay ayaa sheegay in Gobolka uu galay xaalad dagaal, isagoo sheegay inay hada bilaabaneyso ciyaartii lagu dhiig bixinayey waxa uu ugu yeeray cadawga soo duulay.

Gobolkaxaalad dagaal ayay galay weeraro lagu dhiig bixinayo cadawga ayaa la qaaday, hadii ay ahaan laheyd Jowhar, Balcad iyo wadada isku xirta, waxaa ugu dambeeyay weerar habeen hore lagu qaaday xarun ka mid ah xarumaha ay ka degan yihiin Jowhar, in labo baabuur tikniko ciidan saarnaa lagu baabi’iyay, afar looga dilay sagaal laga dhaawacay”ayuu yiri Sheekh Yuusuf Ciise Kaba-kudukade.

Mr Kaba-kudukade ayaa intaa ku daray in haatan ay bilaabatay weeraro ay ku ekeynayaan fariisimaha ciidamada dowladda iyo AMISOM, isla markaana is ballaarinta ay wadaan uu yahay mid ay sugayeen in tallaabadii lala rabay lagu qaado sida uu yiri.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka ku nool Shabellaha Dhexe ineey ka waantooban iney a la shaqeyan kuwa soo duulay, waxaana uu tilmaamay inay ka qeyb qaataan dagaalka jihaadka si looga saaro deegaanada ay ku soo duuleen

“Insha allah shabellaha dhexe meeshii uu xamar ugu noqon lahaa xamarna lagu qaban lahaa, ayay noqoneysaa waa meeshii uu ku wiiqmi lahaa, qaabka aan xamar kula dagaalami jirnay waa soo celin doonaan, dagaal toos iyo ku dhufo ka dhaqaaq”ayuu yiri Kaba-kudukade,

Ciidama huwanta ayaa 9kii bishan la wareegay xarunta gobolka shabeelaha dhexe ee jowhar iyadoo tan iyo xiligaasna eey ka dhacayeen weeraro gaadmo ah oo shabaab soo qaadayeen.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 1, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.