Madaxweynaha dowlada Xasan Sh Maxamuud ayaa saacadaha soo aadan safar ku tagi doona dalka Sudan kadib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa dalkas Cumar Xasan ALbashiir.
Xasan Sh Maxamuud oo socdaalkiisa ay ku wehlin doonaan Xubno katirsan dowlada ayaa magaalada Khartuum kula kulmi doona Madaxweynaha Sudan iyagoo markaas kadibna usii gudbi doona dhinaca gobolka Blue Nile ama Damaaziil.
Gobolkaas ayaa waxaa ka dhici doona sanad guuradii 57 ee kasoo wareegatay markii halkaas ay ka xorowday Gumaystihii Ingiriiska.
Xasan Sh Maxamuud ayaa sidoo kale ka qeyb gali doona kulamo lagu soo bandhigayo mashruucyp isla gobolkas loogu talagalay sida aan madaxtooyada kasoo xiganay.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login