Masjidka Isbaheysiga oo dayactir lagu sameynayo

Masjidka Isbaheysiga Islaamka oo ah Masjidka ugu weyn magaalada Muqdisho Ayaa waxaa ka bilowday dayactir balaaran oo lagu dhameystirayo qeybaha ka harsan dhismihiisa.

Masjidka Isbaheysiga oo saameyn ay ku yeesheen dagaaladii ka dhacay dalka ayaa Waxaa qeybo ka mid ah oo burbursanaa ka soconaya dib u dayactir sida qeybta Culuunta Diiniga ah lagu barijiray ardada Soomaaliyeed.

In kastoo dad Soomaaliyeed oo muxsiniin ah ay dhowr kol isku dayeen in ay Dayactiraan qeybaha burbrusan ee Masjidka hadana dhaqaalohooda ayaa ku filnaanwaayay,   laakiin hadda howsha dayactirka Masjidka waxaa wadda Dowladda Turkiga.

Waxaa jira qeybo ka mid ah dhismaha Masjidka oo aan wali la dayactirin sida Qeybta haweenki ku takadaan,  iyadoo qeybo ka mid ah dhismaha Masjidkana ay Deegaameysteen qoysas danyar ah.

Dayactirka ku socda qeybta waxbarashada Masjidka ayaa waxaa ka shaqeynaya Shaqaale Soomaali ah,  wallow dowladda Turkigu ay howsha waddo, Masjidka Isbaheysiga ayaa ah Masjidka ugu balaaran masaajidda dalkeena.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 1, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.