Mustafe Saacadaale’ Wariyaha Sanadka ee Soomaaliland’
Mustafe Ibraahim Ismaaciil Saacadaale waxa uu ka mid yahay Wariyaasha caanka ah ee ugu Magaca weyn Marka laga hadlayo Warbaahinta Soomaaliland waana Rugcadaa ka soo howlagay Tv Muqdisho ,kan qaranka Soomaaliland iyo waiba Idaacada Radiyo Hargeysa.
Bulshada ku dhaqan Hargeysa iyo Gobolada Soomaaliland wariye Mustafe Ibraahim Ismaaciil’ Saacadaale’ waa kuwo si w eyn u garanaya waxaana lagu xasuustaa Wariyahaan oo ku dhashay Hargeysa 1967kii inuu ahaa wariyihii ugu Horeeyay ee Daahfura Isboortiga Caalamka kana bilaaba Idaacada Radiyo hargeysa iyo Waliba Tv qaranka Soomaaliland,waa wariye Bulshaawi ah oo dad la dhaqankiisu wanaagsan yahay waxa uuna ku Caan baxay Tabinta Barnaamijyada,Wareysiyada iyo waliba Wararka waana mid kamida Wariyaasha ugu misaanka Culus ee Radiyo Harrgeysa vs Tv qaranka Soomaaliland
qaar ka mida Bulshada ku dhaqan Hargeysa oo ka hadlayay Dareenkoda ku adan sida ay u arkaan Wariyaha Sanadka 2012 ee Soomaaliland MustafeIbraahim Ismaciil Saacadaale waxa ay kuTilmaameen Saxafi qaran oo u hiilaya Rabitaanka shacabka Markastana usoogudbiya waxyaabaha ay xiiseeyaan isla markaana h Madaalaha Radio Hargeysa TvQaranka Soomaaliland waana wariye ka adag Mihnadiisa suxuufinimo
Wariye MUstafe Saacadaale Aabihiis Ibraahim Ismaaciil Saacadaale ayaa la oran kartaa waa shaqsiga iska lahaa inuu heerkaan soo Gaaro Wiilkiiisa waxa uuna ahaa qofki ugu Horeeyay ee ku gacan qabtay kuna dhirigaliyay Saxaafada.
Share on Facebook
![]() |
Socialize