Sanad Wanaagsan 2013. Sanad waliba Hoodiyo

Sanad Wanaagsan 2013. Sanad waliba Hoodiyo waxa uu hadimo leeyahay waa laga helaayoo Hadhow lagu xasuustaa’ Codkii Boqorkii codka Maxamed Suleebaan Tubeec.

Maanta oo kale marka Bisha Janaweyr ay tahay 1 caalamka waxa ay u tahay Maalinta ugu horeysa Sanadka Cusub,Hadaba Fanaaniinta Soomaaliyeed suugaan ayey ka qaaden ay ku sood haweynayaan Sanadka Cusub,waxaana Suugaanta laga xusi karto ka mida Heesta la magac baxday’ Sanad Waliba’oo uu qaado Fanaanka Boqorka Codka Maxamed Sakleebaan Tubeec,Heestaasi qalabka Warbaahinta kala duwan ay markaasi ku Maamuusaan Maalinta Sanadka Cusub.

Sanad waliba Hoodiyo waxa uu Hadimo leeyahay
waa laga helaayoo Hadhow Lagu Xasuustaa
Kii Noo Hagaagee Noqo loo han weyn yahay
Kii Noo Hagaagee Noqo loo hanweyn yahay……

Waan ku Heybineynee ilaaheey Hakaa dhigo
adna hogol da aysiyo Habeen dhalad barwaaqaa
namco la harsadiyo Cawo lagu heshiiyee
Kii Noo hagaagee Noqo loo hanweyn yahay
Noqo loo Hanweyn yahay……

Alfanaan Boqorkii codka Maxamed Sul;eebaan Tubeec waxa uu ka Tirsana Hoboladii Qaranka ee Hooyadii Fanka Hobolada Waabari,waxa uu deganaa xaafada Horseed ee degmada waabari,waxaaana lagu xasuustaa Istudiyihiisii caanka ahaa ee Raaxeeye isterio oo ku yaalay dhaadhaca Wadada Dabka ee ka soo horjeeday ex dugsigii dhagaxtuur iyo hodan

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 1, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.