![]() |
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa halkaasi ka jeediyay hadal dheer kaasi oo uu kaga hadlaye isbedeladii Muqdisho ay soo martay sanadkii lasoo dhaafay.
Tarsan wuxuu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay uu ahaa sanad qiimo badan marka loo eego sida xaalada Magaalada Muqdisho ay tahay iyo isbedeladii dhanka ammaanka ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in sanadkaan cusub uu yahay mi dhashay iyadoo dalka Soomaaliya uu ka baxay KMG islamarkaana ay ka dhalatay Dowladda cusub.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka fogaadaan waxyaabaha dhibaatada keeni kara ee ammaanka qal-qaleglinaya.
Xaflada caynkaan oo kale ah misna loogu dabaaldagayo sanadka cusub ee 2013 ayaa waxa ay ka kala dhaceen Qaar kamid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Soomaalida ayaa siweyn uxusta sanadaha miilaadiga marka ay dhashaan halka aan si weyn loo xusin sanadaha cusub ee hijiriga marka ay dhashaan.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login