Maamulka G/Banaadir oo beeniyay in qof katirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Muqdisho uu ahaa ninkii Miinada ay usoo dhiibeen Shabaab

Warsaxaafadeed | Kadib markii 31-December2012 ay soo shaacbaxday Qarax miino oo la damacsanaa in lagu qaarajiyo duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha G/Banaadir ayaa waxaa warbaahinta ay isticmaashay in qofka miinadasasi loo soo dhiibay uu ka tirsanaa shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho.

Hadaba markii aan baaris dheer sameynay kadib waxaa caddaatay in Tahaliil Claahi Nuurre uusan ka tirsaneyn shaqaalaha dowaldda hoose ee Muqdisho iyo G/Banaadir midna.

Laakiin uu ahaa darawal kamida darawalo la shaqeyn jiray agaasimaha guud ee dowladda hoose ee Muqdisho.

Sidaa daraadeed maamulka gobolka Banaadir wuxuu si cad usheegayaa in Tahaliil Claahi Nuurre oo ah qofka miinada loo soo dhiibay uusan katirsaneyn shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho iyo Gobolka Banaadir.

Wabilaahi Towfiiq.

Md. Maxamed Yuusuf Cismaan | Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir | media@mogadishucity.net

____________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 2, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.