Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ku sii jeeda Khartuum

Mogadishu, Soomaaliya | Janaayo,02 2012 | Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Sudaan ayaa maanta waxey ku sii jeedaan magaalo madaxda dalkaas ee Khartuum.

Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga Qaranka Mudane C/Kariim  X.Guled, Wasiirka Maaliyadda & Qorsheynta,Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiir u dowlaha Wasaaradda arimaha dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal,Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha nabad sugida Mudane Axmed M. Fiqi.

Wafidigan ayaa  waxey maalintii shalay aheyd ka qeyb galeen xafladda xornimadda Sudaan. Xafladaas ayaa waxey ku soo aaday munaasabad lagu furayo biyo xireenka laga dhisay magaaladda Damazin ee gobolka blue Nile.

Sidoo kale Madaxwyenaha iyo wafdiga uu hogaaminyo, waxey kulamo la qaateen Madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir iyo Wasiiro ka tirsan xukumadda dalka Sudaan. Kulankaas waxaa looga wada hadlay sidii xirriirka labadda dal loo hormarin lahaa.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay mashaariicda adeegyadda bulshadda ee dowladda Soomaaliya u diyarineyso goboladda dalka .Adeegyadaas ayaa ka kooban amniga, waxbarashada, caafimaadka,garsoorka iyo adeegyadda kale ee bulshadda waxey’na qeyb ka yihiin Lixda Tiir siyaasadeed ee dowladda (Six Pillar policy).

Communication Office Office of the Somali President Mogadishu, Somalia

_____________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 2, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.