Madaxweyne Xasan oo la kulmay Cumar Al-Bashiir

Madaxweyne Xasan Sheekh (midig) iyo madaxweyne Cumar Al-Bashiir /Reuters

Madaxweynaha jamhuurriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan kula kulmay dhiggiisa dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ee Sudan ku sugan ayaa Bar-kulan u sheegay in labada madaxweyne ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada nabadgelyada iyo waxbarashada.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in lacag ay dowladddi KMG aheyd ee Soomaaliya horay uga dalbatay inay u daabacdo dowladda Sudan ay hadda diyaar tahay, laguna heshiiyay inay Sudan sii heyso tan iyo inta laga tayaynayo laamaha maaliyadeed ee dowladdda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inay ay labada madaxweyne ka arrinsadeen sidii Sudan ay uga qeyb qaadan laheyd taageerada ay dowladda Soomaaliya ka fileyso caalamka, si ay dowladdu u noqoto mid iskeed isu taagta oo ku guuleysata howlaha hor yaalla.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh, oo shalay Sudan gaaray ayaa la rajeynayaa in ay berry dalka dib ugu soo noqdaan.

.

.

Source: Barkulan

_________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 2, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.