Soomaaliya Kumeel Gaar Kama Baxayso Hadii Ey Ku Socoto Wadadii Shariif ( Wareysi)

Soomaaliya Kumeel Gaar Kama Baxayso Hadii Ey Ku Socoto Wadadii Shariif ( Wareysi)

Mudane C\kariim Jiirow Sharmarke oo ka mid ahaa musharaxiintii xilka madaxtinimada soomaliya oo safar ku soo kala bixiyey wadamo badan oo caalamka ah soona maray Muqdisho,Xerada , Qaxootiga dhadhaab iyo basaatiin, Dubai ayaan ka wareysanay waxa uu ku soo arkay mudanahu Meelahaasi hadana waa khabiir kumputerka aan la arkeynin” vmware specialist”waxaana wareysigii uu u dhacay sidatan.

S. maxaa kuugu yaab badnaa intii aad joogtay soomaliya ?

J waxaa iigu yaab badneyd markii aan arkey ajnabigii oo soomaliya u soo shaqo tagay iyo dadkii soomalida a’haa oo wadankii ka sii qaxaya oo mid kasta inuu qaxooti noqdo oo bada isku biimeeyo iyo wadankii 2da wabi lahaa oo xoolaha dhoofinyey iney cabaan biyo Kenya iyo dubi laga keenay iyo caano layiri waa warshadeysan yihiin oo bac ku jira 2duba jiro ayeey keenayaa

S.Soomaaliya kumeel gaarkii way ka baxday oo dowlada rasmi ah ayey noqotay maxaa la gudboon.?

J .waxaa la rabaa in ninkaan mr.mahiga wakiilka q\madidoobey in afbuuxa ku yiraa madaxweynaha sharciga ah waa dr .xasan inta kale waa gudoomiye gobol waliba uu xiri karo hadey danbi galaan hay’ada caalmiga ahna hadii eysan soo marin dowlada eysan ka howlgali Karin gobolada dhaqaalhana si toos ah u siiso dowlada dhexe,hadii uusan intaas yeelin ha iska bedalaan oo turkiga ha ku badashaan.gobolada aan yeelin amarka dowlada in cunaqabten lagu soorogo sida xawaaladaha .diyaaradaha iyo hoteelada laga leeyahay goboladaas iyo hay’daha ka howlgala.

S. madaama aad ahayd ciidan sidee lagu dhisi karaa amaanka qaranka?

J. horta inta aad ciidanka ladhisin waa in aad mucaaradka la fariisato oo dowlada wax ka siiso maskaxdii soomaliya oo dhan asmara ayey fadhisaa 2 dii shariif ayaa ka soo tagay mooyaane al-shabbabna iyagaa af yaqaan masar iyo turkiga ayaa arrintiina galeysa

,tan kale ciidan waxa dhisi kara ciidamada gaar ka ah oo ahaa kuwii dowladii dhexe hayey oo iyagoo ciidan ah hadana maamulka hayey sida barasaabyada dalka, safiirada , agaasimayaasha ilaa heer wasiir ayey ahaayeen Somali wayn ayey rabaan wayna kibir badan yihiin oo wiil jaako gashan oo qurbo ka yimid amar ka qaadan maayaan,ilaa madaxwaynaha mooyaan oo kaliya ,laakiin hadey isleeyihiin Nigeria iyo Kenya oo afrika oo dhan ugu musuqmaasuq badan ayaa ciidan idiin dhisaya dowladu riyo ayey ku jirtaa ee ha toosto.tan kale ciidanka turkiga ha u raadsadaan tababar , afrikaan ha iska iloobaan.

S. Xerooyinka qaxootiga sida kenya iyo yeman shacab badan ayaa ku jira xaaladoodu waa sidee?

J Soomalida kuwii ladnaa ayaa qaxooti noqday ah waxayna u joogaan xeryahay in dibada laysku qaadayo, laakiin dhibka ku dhacaya ayaa ka badan,inta safiir ah soomalida nin cadka soomalida u goon kara waxaa ka jira nuur cadde inta kale maba yaqaanaan in uu diplomat yahay oo aan la xiri Karin oo qaran dhan wakiil ka yahay iyagaa ka baqa in la xiro, mid amiir ah ayaan Washington ku arkay waxaan iri fadlan, maxaad soomalida sharci u siin weyseen si e shaqeystaan waayo J\carabta ayaan ku jirnaa ,hindida iyo shiinaha waxaa masuul ka ah dowladooda oo hab dowli ah ayey ku jjoogaan oo kafiil malaha, waxaa igu yiri safiirada soomlida jooga markaan aragno iyagoo zako raadinaya ayaan aragnaa, iyagoo shacab wax u raadinayo ma aragno, marka nimankan waxay wataan qasacadii lagu dawarsanyey maxay ka ogyihiin shacab kooda, qaxootiga Kenya iyo yeman inta ey mesha kuwada dhiman halaga soo raro oo dowladu ha u dirto wixii soo qaadi lahaa.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 2, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.