Waxaan halkan tahniyad iyo hambalyo ugu diraynaa Arooska Cumar Salaad Maxamuud iyo Aroosadda Fardawso Maxamed Xersi Oo ku aqalgalay Jimcihii la soo dhaafay Magaalada Muqisha taariikhduna ahayd 28/12/12. Xersi. Waxaa hambalyada diraya dadkan isugu jira qaraabo, xidid iyo asxaab oo kala jooga dalka iyo dibaddiida, waxayna kala yihiin:
Hooyo Faadumo Xersi Cabdi
Abti C/laahi Xersi Cabdi Xaaskiisa iyo carruurtiisa
Abti C/naasir Xersi Cabdi “Iidle” Xaaskiisa iyo carruutiisa
Abti Maxamed Xeri Cabdi, xaaskiisa iyo carruutiisa
Habaryar Aamina Xersi Cabdi, Saygeeda iyo carruurteeda
Habaryar Xaawo Xersi Cabdi, Saygeeda iyo carruurta
Xasan Maxamed Xersi “Sangal”
Ciise Maxamed Xersi
Caasho Maxamed Xersi
Bashiir Maxamed Xersi
Shaafici Maxamed Xersi “Guure”
C/xafiid Maxamed Xersi
Faadumo Afweyne
Iddil Xersi
Bulsho Xersi
Faadumo Maxamed Daahir
Maxamed Aadan Xersi
Xasan Aadan Xersi
C/qaadir Aadan Xersi
Iyo dhammaan Reer Aadan Xersi
Kafeeya C/laahi Xersi
Farxaan C/laahi Xersi
Zaynab C/laahi Xersi
Iyo dhammaan Reer C/laahi Xersi
Adeer Xasan Xersi Abtiddoon
Adeer Abuurkar C/laahi Xersi Abtiddoon
Adeer C/laahi Xersi Abtiddoon
Iyo dhammaan Reer Xersi Abtidoon
Cabdiraxiin Hilowle Galayr, Xaaskiisa iyo carruurtiisa
Hoyo Caaliya Aadan Cabdi
Aabbe Salaad Maxamuud Afrah
Abdulaahi Salaad Maxmud
Aamina Salaad Maxmud
Abukar Salaad Maxamuud
Cismaan Salaad Maxamuud
Cali salaad Maxuud “Cali Dhuux”
Faaduma Cabdulaahi Aaden “Iliiza“
Nasro Daa’uud Cismaan “Neyruus”
Malyuun Ibraahim Aaden
Maxmed deeq shiiq Yuusuf “Deeq Daacad”
Waxaan ugu direynaa dardaan suugaaneed wiilka iyo gabadha sidii dhaqanku ahaa
Meeratada adduunyadu Waa maraad ku faraxdiyo Maray murugo kuu tahay Meherkii kal hore dhacay Muddo aan sugnaynnay Maantaad anfaca iyo Mirihiisa gurateen.
Ninka Ina Maxamed doontow Dhag u yeelo maansadan Meerisyadana weelee Maankaaga galiyoo Waligaa ha gees marin!
Mudan weeye gabadhuye Waligaa maqsuud ka dhig Ha colaadin maandhaw Marna yeysan ciishoon.
Maandeeq nin helaybaa Ka macaasha dunidee Mowlow Ilaahow Labadii is mohatee Kala maagin abidoo Aqalkood la magangalyo Allahow ku maamuus! Aamiin. Aamiin. Aamiin.
Waxaan kale oo ku darayaa: tixdan dardaaranka ah:
Dhaqankii Islaamkiyo dadkiyo dhidibkii weeyaane Dhisme reer la taagaa u wacan, dhaabad duniyeede Dhabbihii wanaaggaad marteen, horumar dhaadkiise Gob is dhawrtaa sharaf lehoo, laguna dhaataaye Wiilyahaw dhawaaqeyga faham, waa dhab hadalkeeye Dhur u yeelo hadalkayga maqal, dhugo wax sheeggayga Hayga dhibin adeey kuu dhaxday, waana dhaxalkaaye Dhaqaalayso waa ruux dhan, yimid dhankaagiiye Waa dhabeel haween laga xushoo, gaari dhalankeede Waa dhamayska dumaroo, dadnimo dhaaftey qayrkeede Waa dhurowdo, duco loo dhigoo, xuma ka dheerayde Dhaqaalayso oo dhawro, waa dhaqankii Soomaale Marwahay dhegaha geli warkii saygu kugu dhaafo Hana dhaafin xeerkii dadkiyo, dhaqankii Soomaali Dhismiha reerku waa labada dhinac, laysla dhawraaye Dhaqaalaha aduun iyo dadkoo, laysla dhawraaye Dhaqanka iyo hidgaha fiican oo, laysla dhawraaye Dhawroow Allahayoow ka yeel, guri dhammeysnaada Wiilal dhiirran, gabdho dhawrsan, iyo ubad u dhiib doora Farxad aan dhamnaaniyo, Rabiyo dheregtana u raaci.
Aaamiin Aaamiin Aaamiin
_______________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login