Al-shabab iyo Faransiiska oo ka hadlay weerarkii Buulo mareer

Xarakada alshabab ayaa manta bayaan ay soo dhigeen boga ay ku leeyahiin Twitter ka waxay ku sheegeen  inuu fashilmay weerar ay ku furan rabeen Muwaadin u dhashay Faransiiska.

Xarakada Alshabab ayaa intaasi ku dartay in Faransiisku ku fashilmeen in ay qabsadaan maxabuuska laga heysto waxaana bayaanka lagu xusay in mujaahidiintu maalmaha soo socda war kasoo saari doonaan mustaqbalka Maxbuus Dennis Allex.

Al-Shabaab ayaa sheegay in askari dhaawac oo Faransiiska ka tirsan ay gacanta ku hayaan iyo sidoo kale la heystihii Daniel Allex uu bad qabo, isla markaana ay gacanta ku hayaan.

Dhanka kale dowlada faransiiska ayaa iyadana dhankeeda ka hadashay iyadoona sheegtay

Wasiirka gaashandhiga faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa u sheegay Wariyeyaasha isagoo ku sugan Paris in Askari kale nolol iyo geeri lagu la’yahay, kadib howl galkii ay ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer.

Lama oga sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya fashilka ku yimid howlgalkan balse dadka indha indheeya arimaha amaanka ayaa sheegaya in fashilka howlgalkan ay sabab u noqon karto dowlada faransiiska oo aanan warbixin fiican ka heysan qaab dhismeedka iyo istaraatiijiyada magaalada Buulo mareer oo ay habooneed in ay xog badan ka heystaan.

 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 12, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.