Qarax ka dhacay Muqdisho

DSC04493

Qarax ayaa goordhow ka dhacay xaafada buulo xubey , degmada wadajir ee magaalada Muqdisho , qaraxan ayaa dad goobajoogayaal ah sheegayan in lal beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada federaalka somaliya oo goobtaasi ku sugnaa.

Qaraxa ayaa sidoo kale la sheegay inuu ahaa nuuca lagu aaso wadada bartankeeda ayaa wuxuu sababay qasaaro isugi jira dhimasho iyo dhaawac iyadoona aan wali la xaqiijin tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday balse waxaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay dhaawaca seddex ruux iyadoona uu qasaarahu intaasi ka badan karo.

Qaraxa kadid ayaa waxaa goobta soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada amaanka oo xiray wadada iyagoona halkaasi ka wada baaritaan lagu baadi goobayo cidii ka dambeeysay

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho aad ugu yaraaday qaraxyada lal beegsado ciidamada iyo masuuliyiinta dowlada.

waxii kusoo kordha kala soco Qaranimoc.om

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 12, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.