Dagaal xalay ka dhacay degaanka Goof gaduud

Wararka laga helaayo degaanka Goof gaduud oo ka tirsan gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ku dagaalameen qaar kamid ah dagaalyahanada xarakada Al-shabab iyo waliba ciidamko itoobiyaan ah oo goobta ku sugnaa.

Dagaalka ayaa la xaqiijiyay inuu yimid kadib markii ay dagaalyahanada Al-shabab weerarka kusoo qaadeen fariisin ay ciidamada itoobiyaanka ah ku lahaayeen tuulada Goof gaduud oo qiyaastii 30 KM u jirta magaalada Baydhabao ee xarunta gobolka Baay.

Rasaasta ay is waydaarsanayeen labada dhinac ayaa socotay mudo ku dhow saacad iyadoona la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan hubka cul culus.

ilaa iyo hada lama xaqiijin wax qasaara ah oo soo kala gaaray labada dhinac iyadoona aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah oo aan goobtaba ka ag dhaweyn.

Sidoo kale wali ma jiraan wax war ah oo ay labada dhinac ee xalay dagaalamay kasoo saareen dagaalkii xalay.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 13, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.