Laamaha amaanka French oo la heegan galiyay

Madaxweynaha Dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa dalkaasi Faransiiska waxuu giliyay xaalad deg deg ah oo ku aadan in dhamaan shacabka iyo ciidamda amaanka ay galaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan in ka hortagaan weeraro uu Hollande sheegay in macquul ay tahay inay ka dhacaan dalkaasi.

Arintaasi oo uu Madaxweynaha Farance uu ku micneeyay Markii weeraro isdaba joog ah ay ku qaadaan dalalka Soomaaliya iyo Mali.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa hay’adaha amaanka iyo dhamaan laamaha amaanka kala duwan ee dalka Ugu baaqay inay ka feejignaadaan weeraro ka dhaca gudaha dalkaasi,Madaama Madaxweynaha uu sheegay in laga yaabo Faragelinta Malitari ee ku kala sameeyeen Soomaaliya iyo Mali dhibaato u keenta.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in dowlada Farance ay soo wajahday Baqdin ku aadan in weeraro qal qal geliya amaankeeda ay ka dhacaan wadankaasi Farance.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Farance ayaa carabkiisa ku adkeeyay in faragelinta Malitari ay sameeyeen dalkiisa dhibaato u keeni karta,isagoona kala jeeday in weeraro aargoosi ah oo kaga yimaada islaamiyiinta soomaaliya ay ka dhacaan dalkiisa.

Hayeeshee arintaan ayaa ku soo aadeysa,iyadoo ciidamada Faransiiska ee sida gaarka ah u tababaran ay weeraro ku soo qaadeen Soomaaliya iyagoo u jeedkooda uu ahaa inay furtaan muwaadin u dhashay wadankeeda oo gacanta ugu jiray Ciidamada Al-shabaab balse isku daygaasi wuu ka fashilmay dowlada Faransiiska.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 13, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.