Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Somaliya mudane Xasan Sheik Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay gagida diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka maraykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kasii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan dowlada Somaliya oo ay kamid yahiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari,Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),wasiirro ka tirsan Xukuumadda,xildhibaanno iyo saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah iyo waliba qaar kamid ah la taliyeyaasha Madaxweynaha.
Waa safarkii ugu horeeyay oo uu madaxweyne Xasan sheik ku tago dalka maraykanka tan iyo markii loo doortay xilka madaxweyne nimo ee Somaliya.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login