Marwo Fawsiya Yuusuf “Socdaalkeygii shaqo ee London iyo Rome wuxuu ku soo idlaaday guul”.

Ujeeddo: War-saxaafadeed (FOR IMMEDIATE RELEASE)

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabatay Muqdisho kadib safar shaqo oo qaatay muddo (9 cisho ) oo ay ku kala bixisay wadamada Britain iyo Talyaaniga ayaa ku soo dhammaaday jawi farxad oo guul hugan .

“ waxaan kula kulmay London dhiggeyga William Hague oo aan isla meel dhignay taageerida dowladda Soomaaliya dhanka dhaqaalaha, nabadgelyada, la dagaalanka burcad badeeda iyo isdhaafsi diblomaasi si dib loogu furo safaaradaha labada dal ay ku kala lahaayeen Muqdisho iyo London” sidaa waxaa sheegtay Marwo Fawsiya Yuusuf oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aden Adde ee Muqdisho .

Wasiirku waxa ay intaa ku dartay “ Magaalada Rome waxaan kula kulmay Mas’uuliyiinta kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Giulio Terzi iyo Wasiiradda Cadaaladda Paola Severino, waxaa ayna ii balan-qaadeen inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka beeraha,kaluumeysiga ,tababarida ciidamada, garsoorayaasha maxkamadaha iyo dib u soo nooleynta heshiisyadii labada dal horey u kala saxiixdeen”.

 - Dhammaad-

sacdaalki_fowsia32 sacdaalki_fowsia31 sacdaalki_fowsia30 sacdaalki_fowsia29 sacdaalki_fowsia28 sacdaalki_fowsia27 sacdaalki_fowsia26 sacdaalki_fowsia25 sacdaalki_fowsia24 sacdaalki_fowsia23 sacdaalki_fowsia22 sacdaalki_fowsia21 sacdaalki_fowsia20 sacdaalki_fowsia19 sacdaalki_fowsia18 sacdaalki_fowsia17 sacdaalki_fowsia16 sacdaalki_fowsia15 sacdaalki_fowsia14 sacdaalki_fowsia13 sacdaalki_fowsia12 sacdaalki_fowsia11 sacdaalki_fowsia10 sacdaalki_fowsia9 sacdaalki_fowsia8 sacdaalki_fowsia7 sacdaalki_fowsia6 sacdaalki_fowsia5 sacdaalki_fowsia4 sacdaalki_fowsia3 sacdaalki_fowsia2 sacdaalki_fowsia1 sacdaalki_fowsia

.

.

___________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 13, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.