Kulan xasaasi ah oo xalay ay isugu yimaadeen golaha wasiirada oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo uuna shir gudoominayay Ra’iisul wasaaraha xukumada Somaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ” Saacid ” ayaa looga hadlay xaalada degaanka Buulo mareer.
Golaha wasiirada ayaa ugu horeyn sheegay inay aad oga xunyahiin dadka Somaliyeed ee ku geeriyooday duqayntii iyo weerarkii ciidamada faransiiska ay ku qaadeen degaanka Buulo mareer ee gobolka Shabeelada hoose iyagoo dhanka kale tacsina u diray dowlada faransiiska oo ay ka geeriyooday qar kamid ah askarteeda.
Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan R/wasaare Kuxigeen ahna wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Ayaa markii uu soo gabagaboobay Kulankii ay xalay yeesheen golaha wasiirada Xukuuumada Soomaalya lahadashay Warbaahinta waxa ayna tilmaamtay in Xukuumadu ay Ka Xuntahay raalina Ka aheyn duqeymihii Dowladda Farinsiisku ay Ka Sameeyeen deegaanka Buulo Mareer ee gobalka Sh/Hoose.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login