Qaar kamid ah warbaahinta ay maamulaan xarakada Al-shabab ayaa manta waxaa lagu soo bandhigay sawiro iyo uuqaalo muujinaya maydka mid kamid ah askarta ciidanka kumandooska ee dalka faransiiska oo dhawaan lagu dilay weerar ay ku qaadeen fariisin ay xarakada Al-shabab ku lahaayeen degaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabelada hoose.
Dilka askarigan ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyay wasaarada gaashandhiga ee dalka faransiiska oo iyadu amartay weerarkii fashilmay ee lagu doonayay in lagu soo furto laheyste u dhashay dalka faransiiska oo gacanta ugu jira Al-shabab ilaa iyo sanadkii 2009 ti.
Daawo Sawirada.
Share on Facebook
![]() |
Socialize