Bari oo talaado ah waxaa lagu waday inuu ka furmo garoonka Hargeysa Istadium ee Gobolka Maroodi jeex Tartankii Ciyaaraha Gobolada Soomaaliland, waxaana Tartankaasi dib loo dhigay mudo 5 biloo d ah.
Wasiirka Ciyaaraha Soomalailand Cali Saciid Reygal aaya sheegay in Ciyaaraha Gobolada Soomaaliland oo lagu waday inay Furmaan 15ka Bishaan Janaayo 2013 dib loo dhigay Ilaa 2june ee 2013ka.
Wasiir Reygal waxa uu ku Micneeyay dib u dhigaasi ka dib Markii ay codssadeen Qurbo joogta Soomaaliland in lala sugo xiligooda Xagaa baxa oo ay imaanayaan Gobolada Soomaaliland.
Tartanka Ciyaaraha Gobolada Soomalailand ayaa ah mid aad u xiiso badan waxaana Sanadkii 2011ka ciyaarihii ka dhacay Gobolka Togdheer Xaruntiisa Burco ku Guuleystay Koobka Kubada Cagta Xlka Gobolka Maroodi jeex ee Hargeysa oo uuw atay Tababare Diridhabe.
.
.
_______________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login