Uganda oo ciidanka Somalida ku tababari doonta gudaha

Wasaarada gaashandhiga ee Somaliya ayaa dhawaan dowalda dalka Uganda kala hadashay sidii ay Uganda tabarada ay siido ciidamada Somalida ah ay ugu soo wareyjin leeh gudaha dalka.

Wasiirka gaashandhiga Somaliya mudane Cabdixakiin Fiqi oo gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegay sheegay in heshiikan uu aad muhiim ugu yahay dowlada Somaliya o xiligan ka baxday kumelgaar.

Sidoo kale heshiiska ayaa lagu sheegay inaanu wax isbadal ah ku imaan doonin casharadii ay macalimiinta midowga yurub ka bixin jireen iyo waliba maalgalintii dalalka ku midaysan midowga yurub.

Hadaba hadii ay suurta gasho soo wareejinta tababarada ciidanka ee lagu siin jiray dalka dibadiisa ayaa waxay noqoneysaa mid aad u dhiiri galisa horumarka dhanka difaaca iyo gaashandhiga.

Ilaa iyo iminka ma jirto waqti rasmi ah oo la sheegay inay ku heshiiyeen labada dowladood si loo soo wareejiyo tababarada iyo macalimiinta

 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 14, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.