War-saxaafadeed Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibada

Kulan soo dhoweyn ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga  ay maanta ugu sameysay Safari Hotel ee Muqdisho qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Soomaaliya ay ku leedahay dibadda, kuwaasoo dalka dib ugu soo laabtay kadib markii wasaaraddu ay u dirtay fariin ku baaqeysay inay Xarunta ku yimaadaan ugu dambeyn 10-ka bishan January, ayaa waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay Mas’uuliyiin kala duwan oo Wasaaradda ka tirsan .

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo dhoweyn kadib waxa ay tiri “ Diblomaasiyiintu waa inay la jaan-qaadaan isbadalka cusub ee dalka ka socda ,wasaaradeeduna waxa ay aheyd wasaaradaha ugu sareeya geeska Afrika , waxaanu dooneynaa inaan baabi’inno magac xumada Soomaalida loogu yeero ee ah argagaxiso iyo burcad badeed”

Wasiirku waxa ay intaa ku dartay “ Guddi Diblomaasiyiin ah ayaan u xilsaaray dib u habeynta howlaha Wasaaradda ,waxaana ay dib u qaabeynayaan howlaha shaqo iyo shaqaale ee Gudaha iyo Dibadda , waxa ayna dhaqan gelinayaan Sharciga shaqada Dibadda “ Foreign Service Law”, safaaraduhuna waxa ay ka mid yihiin cududa dowladda iyo indhaheeda, waa inaan ka soo dhalaalnaa kaalinteena”.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa isaguna ku booriyay diblomaasiyiinta inay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo dib u habeynta Wasaaraddu ay hiigsaneyso.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Eng. Maxamed Aadan Axmed ayaa madasha ka sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ay soo celin doonto sharafta iyo heybadda muwaadinka Soomaaliyeed, ayna horseed u noqon doonto isbadalka cusub ee dalka .

Waxaa kaloo xafladda ka hadlay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Maxamed Shariif Maxamuud , Gudoomiyaha Guddiga dib u habeynta Danjire Yuusuf Xasan ibraahim (Yuusuf Dheeg) iyo Xubnaha Guddiga ee kala ah Danjire Maxamed Muuse Tareey  iyo Danjire Maxamed Jaamac Cali ( MJ) , waxa ayna ka hadleen howsha loo igmaday iyo guulaha ay rajeynayaan mustaqbalka dhow, waxaana goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi.

.

.

 -Dhammaad-

.safaradha_kahowlgala_muqdisho30 safaradha_kahowlgala_muqdisho29 safaradha_kahowlgala_muqdisho28 safaradha_kahowlgala_muqdisho27 safaradha_kahowlgala_muqdisho26 safaradha_kahowlgala_muqdisho25 safaradha_kahowlgala_muqdisho24 safaradha_kahowlgala_muqdisho23 safaradha_kahowlgala_muqdisho22 safaradha_kahowlgala_muqdisho21 safaradha_kahowlgala_muqdisho20 safaradha_kahowlgala_muqdisho19 safaradha_kahowlgala_muqdisho18 safaradha_kahowlgala_muqdisho17 safaradha_kahowlgala_muqdisho16 safaradha_kahowlgala_muqdisho15 safaradha_kahowlgala_muqdisho14 safaradha_kahowlgala_muqdisho13 safaradha_kahowlgala_muqdisho12 safaradha_kahowlgala_muqdisho11 safaradha_kahowlgala_muqdisho10 safaradha_kahowlgala_muqdisho9 safaradha_kahowlgala_muqdisho8 safaradha_kahowlgala_muqdisho7 safaradha_kahowlgala_muqdisho6 safaradha_kahowlgala_muqdisho5 safaradha_kahowlgala_muqdisho4 safaradha_kahowlgala_muqdisho3 safaradha_kahowlgala_muqdisho2 safaradha_kahowlgala_muqdisho1 safaradha_kahowlgala_muqdisho

.

______________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 14, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.