Aqoon yahan Aragti ka arradan!

Bashir M. Hersi

Bashir M. Hersi

Waxaa la yiri: “Dadku waa labo: WANAAGSANE iyo WANAAJIYE” malaha murtidu qaybteeda hore waxay ku daaban tahay maahmaahdii kale ee ahayd: “WEYNAADAA WANAAGSANAADA!” mid kale waxay leedahay: “TIISA DARYEELA TU KALE KU DARA!” mid kale baa tibaaxda: “NINKAAD KABA KA TOLANAYSO, KABIHIISAA LA FIIRSHAA!

Qodobka Murtida hore ku jira ee ah: “WANAAJIYE” waxay si cad u tilmaamaysaa oo qayaxan: ABWAAN, INDHEERGARAD, GARAAD, AQOON YAHAN, IWM marka laga reebo midda u dambaysa, intooda kale xooggoodu waa hibo Eebbe iyo u dhalasho calool hooyo lagala soo baxo, waase jirtaa waayo aragnimo waqtiga laga qaato, ee ka dhalata dhacdooyinka iyo nolol maalmeedka.

INDHEERGARAD helitaankiisa oo adag, erayaba ku lumin maayo. Halka ABWAAN iyo GARAAD la garan karo, lana heli karo, yaanse GARAAD loo qaadan kii DHAQAN Beeleeladka la xiriiray. Eraga ABWAAN fara xumaynta loo gaystay, aanba dhehee LA KUFSADAY! hadday sax tahay oo aan dhaliili ku jirin. Maxaa yeelay xushmadduu xambaarsanaa, xigmadduu waday iyo xilkuu mudnaa intaba waa laga xayuubiyey, oo loo xiray ama lagu xardhay xislaawayaal aan xaraf sixi karin.

Sida cinwaanka qormaduba yahay, waxaan ku eegayaa AQOON YAHAN, oo run ahaan marna in badan loo HANQALTAAGAY, marna in badan lagu HUNGOOBAY oo lagu HANJABAY. Maxaa yeelay sida eraga ka muuqataba, qoladaasi waa intii AQOONTA ehel u ahayd, ee bulshada inteeda kale uga soocneyd, kumaba sii jirto inta wali JAHLI la ildaran ee u afduuban, ee aan wali loo fidin dawada dawaadda dhigaalka.

AQOON YAHAN  mise HAL AQOON?!

AFARREEY nin tiriyaa

ABWAAN kuma mutaystoo

HAL ABUURNA lama dhaho

CODKAR iyo AFTAHAN iyo

CURIYUU la Ehel yahay!

AQOON yahan la sheegiyo

INDHEERgarad ma joogoo

Indhawaale maan arag

Astaamaha la qeexee

Aas-aaska laga dhigay

HAL AQOON ha lagu daro!

Horta AQOONI waa maxay? AQOON YAHANSE waa kuma? Weydiimaha warcelinnadooda waxaan u daynayaa dadweynehee, aanse mid xuso aan is leeyahay waa muhim, marka laga reebo dhalanrogga dhacay iyo dhaqanguurka jira, ee BUURYAQABYADII oo dhami ABWAAN la wada bexeen, iska daa inay ABWAANno yihiine, aanba nolosha wax ka ogayn, aan ka ahayn inay nool yihiin, ama neefsanayaan oo kaliya ah, cadna ay calalin karaan!

Sida caadada ah qof walba ee AFARREEY isa saari kara ama ERAYO CURIN kara lama yiraa: ABWAAN, wuxuuse noqon karaa: HAL ABUUR, CURIYE, TIRIYE, IWM. Sidaa awgeed, waxaan soo jeedin lahaa, in eraga AQOON YAHANna heerka ABWAAN oo kale la geeyo, oo aan qof walba loogu yeerin ama aan loogu hal qaban. Balse, meeshii AQOON YAHAN laga dhihi lahaa, la yiraahdo: HAL AQOON. Maxaa yeelay waxaa nagu batay kuwa AQOON YAHANno lagu sheego, ama sheegta AQOON iska daaye, ILMUHU wax ay ka sarriigtaan ku hadaaqa ama ku kaca, oo haddaa, AQOONTII BAAS maxay u kordhisay? AQOONEEY XAAL QAADO!

Garta iyo Garaadka

Ayaamihii horee tagay

Aabbayaashii degalkiyo

Arladeena hagi jiray

Aqoosheed u duubnaa

Garaan lagu afcelinoo

Marna Xaqa ka iilnayn

Ayaa lagu ammaanay!

 

Dabadeed Gu’ Aarana

Aqoon yahan ku sheeg iyo

HAL AQOON ayaa yimid

Isku sheeg AGAASIME

Iyo inuu USTAAD yahay

Odayaashii quursaday

Urduf iyo Acraab iyo

Eber iyo asqaan jirin

U arkaaya Aadmiga.

Xilliyadii hore, waxaa lagu kala dambayn jiray, wax dhihiddana loo kala ahaa: (1) DA’DA: oo qof walba qofka uu ka weyn yahay wuu ka mudnaa wax dhihidda, cisayn awgeed! Wa haddii aysan duudsiinu ku jirine. (2) ODAY DHAQAMEED: ee midi dhiig iyo dhalyo tahay, inta kalana Garaad iyo gu’ tirsi tahay [GUURTI] oo dabcan magacyo badan oo kala jaad ah. (3) WADAADDO: Waxaan marna ka maqnayn waa talada CULIMADA, oo had iyo jeer wax ku ool ahayd, maantase iyagaaba laga cararayaa, ee maxaa talo loo gaystaa ama laga dhagaystaa? Waa meeshii laga dhihi jiray: “Meeshii Cir laga sugaayey ayaa Cayryaamo ka timid!” kaba darane, waaba ninkii Kabaha Masjidka looga xaday, meeshuu ka yiri markuu Aadaanka Salaadda Maqlay: “Maqla, Tuugadii ayaa isu wacanaysee!Allaw adaa faxan”.

Haddii sida AQOON YAHANKU jecel yahay laga soo gudbay xilli JAAHILIGII, ee dadka aan aqoonta lahayn wax hagi jireen [aanse lagu qasaari jirin!] maanta qofka xil lala doonayo ama laga doonayo ama doonaya waxaa muhim u ah inuu wato magacaa JAAN ee AQOON YAHAN, haddana, wax uu soo kordhiyey wali lama arag, maqalna haba sheegin, aan ka ahayn AQOONTII oo dadkii sii nacayaan, illeen; “INTAAN AQOON YAHAN HEBEL OO KALE NOQON LAHAA, LA’AAN BAA DHAANTA!” ayaa dadkii hal ku dheg u noqotaye.

Hal Aqoon aragti ka arradan!

Kan AQOONTA sheegtee
ARAGTIYO kas maan gala
Ka ARRADAN tusaalaha
Umaddaan muxuu tari
HAL AQOONNA ugu yahay?!

Horta midda muhimka ah ee aan wali la fahmin, in la fami doonana aysan muuqan, waa:  magacyadan lagu sheego AQOON YAHAN iyo INDHEERGAARD, ma mudan yihiin inay Soomaaliya hoggaanshaan? Waxaan hubaa in qof walba “HAA” la soo boodayo, haddana, bal aan waaqica tusaalooyin ka soo qaato.

Wax badan waxaa la dhaleeceeyey, la nacladay, la habaaray, la haaraamay, la dhaleeceeyey MOORYAAN! Tilmaam kasta oo xunna lagu suntay, mudnaan iyo magacna looga dhigay, haddana, waxaan la jalleecin dhanka kale, oo haddii AQOON YAHAN ku sheeggu ka soo dhalaali lahaa waajibaadkiisa QAWMIGA ah miyaa JIRRIGU sidaan noogu xididaysan lahaa?!

Aqriste, fiiri, marka la wada xaajoonayo ama la wada hadlayo, waligaa ma aragtay MOORYAAN ISBAARO u taal oo ka qaybgala? ISBAARO heblaayo waa uun la qaaday yaad maqlaysaa, illeen MOORYAANKU wixii la soo gooyo ayuu qayb ka yahaye, haddana, mar walba magaca xun isaga ayuu ku dhacaa, Allaw asagaa iska ba’ay! Inta ba’sanise ma yaree, aan wada bi’inno ama aan iska dhaafno.

Sida aanba sare ku xusay, waxaa aad loo haaraamaa MOORYAANKA, oo ah aragti qumman, balse, marna lama soo hadal qaado kuwa AQOON YAHANKA lagu sheego ama isku sheega, ee MOORYAANTA ka liita! Maxaa yeelay MOORYAANKA waxaa isugu darsoomay cadawyada kala ah; JAHLI, QABYAALAD, FAWDO, IKK! Oo haddaa maanta wiil labaatan jir ah, maxaad dawlad iyo nidaam ka weydiin kartaa? Arag iska daaye, maqalkeediiba reer baa looga dhigaye.

Balse, HAL AQOONka BAAS ee wax ku soo bartay CANSHUURTII umadda ama deeqdii dunida, maanta wuxuu u taagan yahay cod BEELEED iyo cad BOOBEED! Waxaan dhihi lahaa inta FATA SHAARIGA, SUUDADKA iyo QAMIISYADA wadata kuwaa ayaa dhibka wadeee, aan TOOSKA ku ifinno.

HAL AQOONKA Soomaaliyeed iyadoo lagu xirayo dalkii uu wax ku soo bartay ama jihada Waddankii uu wax ka soo dhigtay ayaa loo kala qaybshaa: HAL AQOON GALBEED iyo HAL AQOON CARBEED! Oo dunidu inta kale ma jirto miyaa? Afrika inta wax ku soo baratay yaaba iska yar, hadday jiraanna kuwa wax soo barayba labadaa dhaqan kama marnayn midkood, Aasiyana waa caynkaa oo kale. Micnaha dunida meel aad tagtaba labadaa aragti baad ugu tagaysaa, dabcan, meel walba si bay u haystaa, illeen waxaa hagaya siday isugu milmaan hiddaha maxalliga ehe.

Labada HAL AQOON ee dhanka CARBEED iyo GALBEEDKA ka soo xeraystay waxay isaga mid yihiin:

  1. AF QALAADAYNTA: afka ay kala furaanba waa eray qalaad, hadday laba eray oo Soomaali oo ay ku hadaaqaan, oo aan xigmad gudbinayn nuxurna lahayn, kan saddaxaad waa eray qalaad, kan hadlayaba waxaad mooddaa AJNABI la SOOMAALIYEEYEY! Kuwa lala hadlayana SOOMAALI maba mooddid!
  2. DHAQAN DHIMAALKA: wuxuu mid walbaa ogaal iyo la’aanba si toos ah masuul uga yahay inay DHAQANKII DHAAMEEN. Maxaa yeelay midna wuxuu la yimid DHAQAN CARBEED oo marar badan qaab DIIMEED laga dhigay, sida: QAMIISKA, CIMAADADDA, CIGAALKA, KOOFIDA, SHULUGGA gabadhuhu gashtaan ee; XIJAABKA lagu sheego DHARKA MIDABKA CAD IWM, oo ka dhigan DHALANROG! Kan kalana, waxaa astaan u ah: TIE ama NECKTIE qofba siduu u yaqaan, aniguse aan dhaho: [QOOR XIR] iyo ISKU JOOG, oo haddaadan sidaa u la dhar gashan aadba tahay JEEGADHEERE ama DHOORRE!
  3. KIBIR IYO ISLA WEYNI: marka ay dadka dhex joogaan, ee aad eegto sida ay u dhaqmaan ama ula dhaqmaan, waxaad mooddaa inay CAALAM kale ka yimaadeen, kaba saxane, waxaad moodda Ajnabi is dhawraya oo malaha is leh; dhaqan iyo hidde aadan aqoon ha dhex dabaalan, ee is aruuri inta karaankaaga ah! Haddaba, maxaa sababay kibirka? Ma haddii la sharfay, ee magac aysan u qalmin loogu yeeray ayey ku badaleen inayba dadkii quursadaan? Aqriste, adiguba wax ka dheh!
  4. MAGAC DHAANNIMO: isla weyni marka aad maqasho waxaa Kugu soo dhacaya qof isku filan, haddana, kuwani sidaa ma ahan, oo iyagaa dadka ugu baahi badan, baahida ugama jeedo GASIIN iyo GOOSAAR, ee waxaan uga jeedaa qofka HAL DOORKA ah wuxuu wax ku yahay dadkiisa, haddii kale wuxuu noqonayaa: HAL DIIN!
  5. ARAGTI GAABNI: haba isla weynaadeene, oo magac ha dhaamaane oo ha af qalaadeeyaane, xaa kaa ba’a haddii wax lagu xisho u dheer yihiin? Maadaama magaca AQOON YAHAN ay wataan, waxay ahayd, inay dadka iyo dalka ugu deeqaan ARAGTIYO wax ku OOL ah, oo la xiriira AAYAHA dhaw iyo kan fogba, mase dhicin, oo waxay noqdeen niman ARAGTI KA ARRADAN!
  6. SHISHEEYE KALKAALID: labada HAL AQOON mid walba oo ka mid ah wuxuu dabada kula jiraa xashkuu wax ku soo bartay, ma xumo inuu xiriir la yeesho, ee waliba uga faa’iideeyo dalka iyo dadka, balse, waxayba caadaysteen oo caadaysteen inay FARANJIGA iyo CIGAALLAYDA u noqdaan XAABOQAAD, halka laga rabay inay dadka u noqdaan XAL HALEEL iyo XARAF DHIGE!

-Bal markanna aan eego waxa ay ku kala duwan yihiin, oo aan sidaa u sii buurnayn, illeen waxaa hagaya waa aragti gaabnida ka dhaxaysa ama ayba ka arradan yihiine:

  1. CARABAYNTA: Kan dhanka Carabta ka yimid wuxuu kugu harqinayaa DIIN LA MOOD oo uu kaaga dhigayaa la’aanteed inaan waxba hagaagayn! Kuma sii jiraan kuwooda ka soo qalinjabiyay JAAMACADAHA DIINIGA ah, erayo dheeh deemeed leh kase dheer Diin ayuu kugu dhaga xanuunijaya! Faham ama ha fahmin, waaba hadduu isaguba fahamsan yahee.
  2. GALBEEDAYNTA: Kan Galbeedka ka yimidna, wuxuu isu arkaa AQOON YAHAN tagay, oo kaan sidiisa oo kale wax ku soo baran GALBEEDKA uusan waxba aqoon, kaba darane, inta isaga ka soo harta ee aan sidiisoo kale ugu halqabsan karin eray LAATIIN ah ama ANGLO SAXON ahwuxuu u arkaa BADOW GEELJIRE ah, oo ILBAXNIMADA ka dheer! Illeen isagaa darkii ILBAXNIMADA ka soo dhurtaye, aanse hore u qaadan WADAAN ama DALOW xiran, oo markaa la yimid EBERE! aqriste, adba SHABAQ BIYO KU DHUR! Waa meeshii laga dhihi jiray: “Hal Bacad lagu lisay” ama “Bacaad ayuu qoor Sagaaro ku hayaa!

Ugu dambayn, Dhawaan isu soo bixii la isugu yimid Xamar, ee doorashada lagu sheegay, waxaa isugu yimid boqollaal wadata magacan BAAS ee aan u baxshay HAL AQOON. In badan oo ka mid ah, waxaa ku jirtay hanqaltaag ah inay MADAX noqdaan, qaarkood waxay filayeen inay wax uun heli doonaan, qaar kale, waxay ka ahayd tijaabo iyo tajrubo samee, waxayse ku idlaatay, in ay dhammaan ka wada hayaameen Muqdisho, aqriste, adba dib ma u aragtay?.

F.G: Mardhaw fisha qormo ku saabsan isla mawduuca oo aan dhan kale ka fiirin doono. Dhanka kale, Meerisyada aan ku soo qaatay qormada, waxay ka mid yihiin maanso dhawaan aan soo bandhigi doono.

 .

.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

____________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on January 17, 2013. Filed under Faalooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.