Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo diyaarado qumaatiga u kacay ay geysay garoonka Nambar Konton, halkaasoo Kolonyo ay leeyihiin AMISOM ka gelbisay.
Ra’iisul Wsaaare Saacid oo ay safarkiisa ku wehliyaan Wasiirada Arrimaha gudaha, Gaashaandhiga, Maaliyada, Warfaafinta, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidamada xooga dalka, Booliska, Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo saraakiil ciidan.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha oo ah kii labaad oo uu ku tago gobolka Shabellaha Hoose ayaa horaantii bishan booqday degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30-KM, iyadoo booqashadiisa magaalada Marka ay noqoneyso tii u horeysay.
Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay kula kulmeen dadka deegaanka degmada Shalanbood oo saaka halkaas ay gaareen, iyagoo kadib u gudbay magaalada Marka.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay wadada isku xirta Marka iyo Muqdisho, iyadoo ka hor inta aysan ka ambabixin magaalada Muqdisho qaar ka mid ah wadooyinka la xiray, oo ay diyaarad Helicopter ah ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Xukuumada Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso inay wax badan kaga qabato arrimaha ka jira gobolada dalka, waxaana socda qorshayaal maamulo loogu sameynayo gobolada, kaasoo ka imaanaya dadka deegaanka, iyadoo dhowaan Wasaarada Arrimaha gudaha ku dhawaaqday in Maamulo KMG ah loo dhisayo Gobolada tan iyo inta dadka deegaanka maamul ay soo doortaan loo dhisayo.
.
.
Source: Jowhar.com
_______________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login