Dib u eegis kooban buugga ‘XUSUUSQOR’

buuga_xusuusqorBy: Saciid Cismaan Keenadiid |  Buugga ‘Xusuusqor’ ee Saciid Cismaan Keenadiid, Eebbe (sw) ha u naxariistee, ogaantay, waa buuggii u horreeyey ee si tafatiran u soo ururiyey una soo bandhigay dhacdooyinkii hareeyey guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, muddadii u dhexeysay Diseembar 1990 – Juun 1994-tii. Dhacdooyinka buuggu xambaarsan yahay, shar iyo kheyr, ma aha ku tiri ku teen iyo war suuqa laga ururiyey ee waa dhacdooyin qoraagu ama dhegihiisa ku maqlay, ama indhihiisa ku arkay.

Qoraagu, inta uusan dhex muquuran dhacdooyinkaas murugada badan, malaha isagoo ogsoon in buugga la daabici doono, seben, dadkii qarannimo iyo qiimeheed ogaa ama xusuus-guur ku dhacay ama ay aakhiro u jihaysteen ayuu buugga af-bilow uga dhigayaa oraahyo jiilka maanta nool iyo kuwa mustaqbalka ku abtirsan doona Jamhuuriyaddii Soomaaliya u iftiimiya sidii berisamaadkii la ahaan jirey. Wuxuu sidoo kale, qoraagu, buugga ku soo af-meerayaa muuqaal ujeeddadiisu, aniga fahankayga, ku biyo shubanayso in uu qalbigeenna ka dhaqo caloolxumada iyo uur ku taallooyinka buuggu xambaarsan yahay. Waa qoraal kooban oo muuqaal ka bixinayo gobonnimaddoonkii degaammada Shabeellada Dhexe.

“Ma aha riyo. Ma aha dheelallow. Waa dhab in ay Soomaalidu kol ahayd dad mid ah oo dalkooda jecel”. In kastoo, weeraha qoraagu ku af-bilaabay buuggiisa ay dad badan, maanta, khiyaali ula muuqanayaan, haddana waa marag ma doonto in Soomaalidu ahayd ummad magac iyo maammus caalamka dhexdiisa ku leh; ummad is jecel, walaalo ah, isu damqada, is marti soora; ummad hal hayskeedu ahaa:“Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada oo, hadba kiina taagdaran, taageera weligiin”. Sawirkaas quruxda badani wuxuu beddelmey, “kolkii ay Soomaalidu qabiil-qabiil u qaybsantay”, waxa markaas “la waayey xooggii iyo xiribtii qarannimada lagu sugi lahaa; waxa la tebey waddaniyiintii ku habaysnayd mabaadiida daljacaylka, waxaanna sidaas u asaruurmay hankii qarannimada lafteeda loo qabay”. Qoraagu, asaruuranka qarannimada waxa uu u tiirinayaa qabyaaladda. Qabyaaladduna, sida qoraagu soo guuriyey “waa tubta kala tagga iyo bur-burka; baaba’a matxafyada, maktabadaha, dhismooyinka filka weyn, raadraacyada taariikhda, sooyaalka ilbaxnimada.”

Meesha, jiilalka maanta nooli ay la qabsadeen dad isku diin ah, isku af ah, isku hiddo iyo dhaqan ah oo misana aan is bixinayn, “qoraagga iyo facii sidiisa oo kale ku soo barbaaray xilliyadii gobannimaddoonka iyo soomaalinimada waxaa garaadkoodu la qabsan la’yahay ayaandarrooyinka maanta joogtoobey ee ah ‘Soomaali iyadu islaynaysa’”. Waxa u muuqda, oo naxdin iyo argagax ku haya in “17-kii sano (1943-1960) dhiiggii loo huray xoraynta dalka uu ka dambeeyey 17 sano (1991-2008) oo uu hoorayo dhiig kii hore ka badan lase moodo in loogu talaggalay siddii xorriyad iyo gobonimo lagu waayi lahaa”.

Qoraaga, oo kahanayo miraha iyo muuqaalka qabyaaladda, baadigoobayana deris wanaagii, damiirkii toosnaa iyo dadnimadii Soomaalida, ayaa si uu inoo hogatusaaleeyo cirib dambeedka qabyaaladda, wuxuu buugga ku iba-furayaa sheeko damiirka ka ilmaysiinaysa. Waa sheeko ku saabsan siddeed nin oo muddo dheer deris ku ahaa xaafad ka mid ah xaafadaha Muqdisho. Marka laga soo tago derisnimada, siddeedaas nin, waxaa kale oo kulminayey, oo ay kaga duwanaayeen dadkii kale ee deriska la ahaa, ku abtirsiga jabhaddii USC. Magacyada jabhadaha Soomaaliduna waxay ahaayeen “magacyo qabiil oo aan wax mabaa’dii ah cuskanayn, markii la is qoonsadana, si fudud u kala daata”.

Bilowgii hore, liifaddu waxay saarnayd dad kale, marka iyagu negaadi maahee qax iyo qarfo marna kuma naalloon. Ninba waa toogtiise, kol dambe, ayaa waxaa qarxay dagaalkii labada garab ee USC-da. Sideeddii saaxiib mid baa xaafaddii ka qaxay. Intaan laba bilood ka soo wareeginba dagaal kale ayaa ka dhex qarxay intii hayb ahaanta ugu wada hartay xaafadda, misana labaa xaafaddii ka qaxday. Muddo yar ka gadaal, ayaa misana, jifooyinkii ku haray xaafaddu mar kale kala safteen, misena mid kalaa qaxay. In kastoo qoraaggu sheekada halkaas ku joojiyey, haddana, sida qof kasta oo maanta taga xaafaddaas uu hollinayo, waxaa la qiyaasi karaa in aan afartii kale midna xaafaddii calfan oo ama qurbo uga huleeleen ama xaafado kale uga qaxeen, waa haddayba nolol ku soo gaareen maanta. “Qabyaaladdu qaran la’aantii waxay noogu dartay saaxiibbo la’aan. Qabyaaladdu waa kansar.”

Colaad ku salaysan senen (khuraafaad)

In kastoo, qoraaggu, uusan si toos ah u higgaadinayn, haddana waxaa biyo dhaca qoraalka buugga laga fahmayaa in colaadda Soomaaliya, qayb ahaan, ay salka ku hayso senen. Senenkuna, inkastoo Soomaalidu ka bad-badiso, qabaa’illada qaarkoodna ka xanaaqaan, haddana wax ku gaar ah Soomaalida ma aha. Tusaale ahaan, qoraaggu wuxuu soo guurinayaa: in Faransiisku aamminsaa in dadka Ingiriiska, siiba kuwa xiga dhanka Faransiisku daba lahaayeen; in Talyaanigu aamminsanaa in Ruushku dabo lahaayeen; iyo in meelo badan oo ka mid ah Afrika laga aamminsanaa in dadku geedaha ka soo jeedaan.

Bidhaan dawladeed goormee kuugu dambaysay

Waa maalmo naxdin iyo argagax leh: diryanka madaafiicda; dadka qaxaya, oo jihooyinka isu dhaafaya; dhaawaca iyo meydka meel kasta daadsan; kufsiga, boobka iyo bara kaca xaafad kasta laga soo sheegayo, dadkii waxaa ku dhacay jaahwareer. Dadku waxay isla dhex marayaan “bidhaan dawladeed waxaa ka haray madaafiicda madaxtooyada ka soo dhacaya.” Waa bilowgii dagaalka.

Mustaqbalka madow oo qoraaga dareenkiisa argagaxa gelinaya, fasiraadna uu u waayayo waa marka uu arko dadka la laynayo: waa dadkii dawladdii askartu ku tirin jirtey cadawgeeda koowaad. Waa kacaandiidyadii. Wakiilladii xisbiga ayaa qaarna qaxayaan, qaarna jabhadaha wax ka hoggaaminayaan; wasiirradii ayaa qaarna qaxayaan, qaarna dabaaldeg ku jiraan; qarandumis iyo dib-u-socod is bililiqaysanaya.

Qoraagu wuxuu arkayaa hal ku dhigyadii astaanta u ahaa jiritaanka Soomaalida, sida: isku af, isku diin, isku dhaqan oo qofkii laga maqlo la moodayo in uu u ‘maadaynayo dadka qubuuraha’. Wuxuu arkayaa dadkii oo ‘dareenguur’ ku dhacay. Tusaale ahaan, qofka dhinta ama dhib soo gaarto waxaa laga xumaadaa kolka haybtiisa la ogaado. Waxa waxaas oo dhan ka sii daran, dad falkaas waxshinimada ah u arkayey ‘guul la taaban karo’

Bililiqadu waa shidaalka hawlgalka

Bililiqadu, in kastoo, ay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah horey uga dhacday, sida Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed, haddana, mida Muqdisho wax aan ahayn ‘horyaalnimo taariikheed’ laguma sifayn karo.

Bililiqaystayaasha, guryaha qabiil walba waxa uu u leeyahay tilmaan: kuwo waxa ay qabaan in ay deg-deg u soo noqonayaa; kuwona waa sidii ay u tageen; kuwona lama garanayo.

Guriga qoraaga ayaa koox bililiqo doon ahi, duhur cad, soo beegsanayaan. Waxa wata sarkaal ka tirsanaan jirey Booliiska. Mid baa raadiye meel saaran iska laalaadinay, isaga oo leh “waa qalabka isgarsiinta oo Maxamed Siyaad ayay kula xiriiraan”. Waxayse ka sii darnayd markii habeen ay koox hubaysani soo weerareen guriga qoraaga. Islaan ayaa hoggaaminaysa. Waxay leedahay “nin gaashaanle sare ah oo reer Suldaaan Cali Yuusuf ah baa guriga deggan. Qalab isgaarsiin buu haystaa oo maalintiina god dheer oo guriga dhex yaal buu ku xabaalaa, habeenkiina waa la soo baxaa oo Maxamed Siyaad buu kula hadlaa”.

Bililiqadu waxay gaartay heer lagu kaftamo in dadka qaata maryaha cadcad oo raba in ay kala dhexgalaan dagaallada la yiraahdo “dhex-dhexaadintoodu aqbal ma noqon, maxaa yeelay, marada cad ee calanka laga dhigtay ayaa bililiqo ahaa”. Heer, baaxadda bililiqada, qofku ka xishoodo in uu martiqaado dad uu yaqaaney cabsi uu ka qabo in shay bililoqo ah, oo dabcan qofka la mirti qaaday laga soo bililiqaystay, qofka gurigiisa lagu arko. Heer, taallooyinkii, warshadihii, fiilooyinkii korontada iyo wax kasta oo qiimo leh duhur cad, rag hebel iyo hel loo garanayo rartaan. Heer, xiddigihii saraakiisha oo jawaanno ku cabbaysan la geeyo Imaaraadka Carabta. Heer culimadii la xushmayn jirey, sida Eebbe ha u naxariistee Sh. C/raxmaan Sh. Maxamed Sh. Cismaan Suufi, inta masaajid loogu galo la yiraahdo dahabka idiin aasan soo faga markay dhahaan dahab ma haysannana la dilo. Heer, nin bililiqaysto gurigii walaashii, oo dabcan nin qolyha caleentoodii cirka ka soo dhacday ah ilmo u dhashay. Heer, meelaha qaarkood la isugu faano gabdho bililiqo ah.

Bililiqadu waxay gaartay heer wax badbaada la waayo. Maalin baa qoraagu wuxuu la kulmayaa Aw Jaamac Cumar Ciise oo la bililiqaystay. Sidee loo bililiqaystay? Buugaagtii uu afartameeyaha sano ururinayey ayuu u dhiibtay, si ay ugu badbaadaan, nin saaxiibkiis ah oo USC ku abtirsada. Nasiib darro, markii USC kala jabtay ayaa saaxiibkii gurigiisii la bililiqaystay, oo waxaa bililiqaystay garabkii kale.

Bililiqadu waxay gaartay, heer guryihii reer Xamarka, sida odayaal reer Xamar ah oo la kulmay ciidammadii huwanta (UNITAF) ay sheegeen “dad qaxay iyo kuwo joogaba guryohoodii dad kale deggan yihiin”.

Maxkamad aan qaaddi, qareen iyo markhaanti midna lahayn; waa jinni ku xukun!

Qofka, dembi waxa ugu filan qolada uu yahay. Dadka la soo qabto oo dhammi isku gabood ayay ku wada eedaysan yihiin: waa abtiris. Qofka nasiibka leh waa kan la kexeeyo oo meel dad joogaan la geeyo, waayo, waxa la arkaa in qof garanaya meeshaas laga helo. Marmar waxa la yiraahdaa odayaal dadka yaqaan baa la idiin geynayaa, laakiin cidna looma geeyo oo meel dhexe oo go’doon ah ayay toodu ku gashaa.

Sidii arrini sidaas u ahayd ayaa dhammaadkii 1992-dii maxkamado Islaami ahi ka furmeen xaafadaha Dharkaynley iyo Wadajir. Oday xaafadda aad looga yaqaan ayaa baabuur laga xaday. Tuuggii baabuurka xaday ayaa maxkamada Islaamiga ah saaran. Waxa soo baxay tuuggii oo gacanta midig la gooyey oo hadlaya oo leh “eega ninka gadaashayda soo socda”. Waxaa soo muuqday odaygii soo dacwooday oo isagana gacanta midig la gooyey. Baabuurka ayaa bililiqo ahaa.

Sebenku is beddeli ogaa, Maxamed Faarax Caydiid baa maxkamad la soo taagayaa. Diyaarado ayaa cirka ka soo firdhinaya xaashiyo ku saabsan qabashada Caydiid iyo abaalmarinta la siinayo ciddii soo qabata ama soo sheegta. Waxaa la isla dhex marayaa in raggii maxkamadda saari lahaa Xamar ku soo fool leeyihiin.

Nasiib darro, dhibtu Caydiid oo kaliya kuma dhacayso ee waxaa sidoo kale qoraagu inala wadaagayaa dhacdo kale oo ku saabsan UNOSOM oo ruqsaysay saddex gabdhood oo turjumaanno ahaa. Middood waxa lagu eedeeyey in ay ka qayb gashay bannaanbax lagu taageerayay Caydiid, mid waxay raadinaysay magacyada dad u xiran UNOSOM, midna xafiiska ayay keentay dad ka mid ah taageerayaasha Caydiid.

Dad damiirkii iyo dadnimadii ka dhimatay

Cid kasta, oo waxuun gacaltooyo ah u haysay ama u jiir damqanaysay quus bay ka istaagtay xal u helista Soomaaliya, waayo, “maankii iyo muruqii qabyaalad ayaa hoggaamisay, dareen Soomaalinnimo iyo islaamnimo dhinacna kama soo dhowaan”. Qaar waa canaanteen, sida Xasan Guuleed Abtidoon, madaxweynihii hore ee Jabuuti; qaar shirkii bay isaga baxeen, sida Melles Zenawi, Raysalwasaarihii hore ee Itoobiya; qaar qalbigay kala hadleen sida Yuweri Muzeveni, madaxweynaha Yugaandha.

Tusaale ahaan, Xassan Guuleed isagoo bilowgii dagaalka sokeeya gacalcun canaananaya hoggaankii Soomaalida waxa uu yiri “Annagu gogosha fidinteeda ayaannu leennahay, nabadaynta iyo Soomaali mideynteedana idinkaa la idinka sugayaa. Meyd, nin uu agyaal buu dhibaa”. Muzeveni-na wuxuu yriri “war heshiiya oo midooba, mise waxaad doonaysaan labaatan madaxweyne iyo labaatan jamhuuriyadood” . Meles Zenawina intuu shirkii Adisababa II ee dib u heshiisiinta ka baxay ayuu yiri “markii aad noo baahataan diyaar baan idiin nahay” Waxyaabaha la yaabka leh ee muujinaya maskax gaddoonka hoggaanka qaarkiis, qoraaguna sidii ay joornaalka ugu soo baxeen uu u soo guurinayo waxaa ka mid ah: shacab biyo la’aan, cunto la’aan, daawo la’aan, arxan la’aan iyo mustaqbal la’aan isugu darsameen oo kuwii dhibtaas baday ay xusayaan “32 guuradii ka soo wareegtay aasaaskii Xoogga Dalka Soomaaliyeed”. Kuwo diidaya in ciidammo shisheeye yimaadaan iyagoo ku doodaya in ay gaalo yihiin. Kuwo madashii la isugu yimaadaba ku andacoonaya in mudnaan gaar ah la siiyo maaddaama ay ahaayeen ciidammadii Maxamed Siyaad dalka ka saaray. Dadkaas, dareenkoodu waa tusi waayey in ay “Xamartii martigelinta caanka ku ahayd rug aboodi u rogeen”.

Waxa damiirkii ka dhintay, oo qoraagu soo guurinayo, ma aha siyaasiyiinta oo kaliya ee waxaa bahaloobay dadkii caadiga ahaa. Wargeyska Shabeelle, caddadkiisii soo baxay 07.11.91 waxa uu qoray dumar loo xiray in ay caruur qasheen iyo askari u hadlay booliiska oo sheegay in lafo caruureed guryahooda laga helay. Wargays kale ayaa qoray in saldhig wayn oo laga dhoofiyo caruurta la soo xado laga furay agagaarka Carwada Taleex. Carruurta in la qasho ama la iib geeyo la garaye, bal ka warama haddii carruurtii bahallo noqdaan. Qoraagu wuxuu soo guuriyey dhacdo uu isagu goob joog u ahaa. Gabar 13 jir ah ayaa nin oday ah oo indha la’ intay bansiin ku shubtay dab ku daartay. Goortii la waydiiyeyna waxay ku jawaabtay in odaygu ka soo jeedo qabiil ay dirirsan yihiin.

Yaa dagaallamaya? Maxay u dagaallamayaan? Maxay ku dagaallamayaan, Yayase u dagaallamayaan?

Bilowgii hore, ujeeddada dagaalku waa koobnayd: in isir la mooroduugo oo gebi ahaanba dalka laga tirtiro. Mar dambe, wuxuu isu beddellay dagaal u dhexeeya labadii garab ee USC oo mid waliba sheeganayo in uu yahay xaq u dirir. Labada garab ee ‘xaq-dirirka’ sheeganaya waxay Xamar u adeegsadeen hub kii ugu cuslaa.

Gadaashoodna, dagaalku wuxuu noqday jiho kasta u rid. Kaabayaashii dalka: dekaddii, garoonkii diyaaradaha, kaydkii shidaalka, meel kasta beel baa ku habsatay.

Wararka naxdinta leh ee qoraagu soo guurinayo waxaa ka mid ah: daawooyin loo waday isbitaallada oo ilaaladii garoonku boobtay; biyo la’aan; cunto la’aan. Waxaa la marayaa heer la weheshado qarax, hugun iyo daryaan. Waxa waxaas oo dhan ka sii naxdin badnaa markii haamihii kaydka shidaalka la gubay, matoorradii ceelasha biyahana qabiil-qabiil loo kala bililiqaystay. Waxaas oo dhan waxaa ka sii daran dayaca ka muuqda isbitaallada.

Sannad ka gadaal, geerida waxaa lagu qiyaasay 40,000, dhaawaca 60,000, qaxana 500,000. Tirada dhimashada iyo dhaawacu, fahankayga, laguma darin kuwii bilowgii hore la bar tilmaameedsanayey. Bil Clinton, madaxweynaha Maraykankuna, wuxuu ku qiyaasay in dad aan ka yarayn hal milyan oo qof ay gaajo iyo dagaal ku dhimatay.

Ma jiro asbuuc aan xabbad joojin iyo in maleeshinyooyinka la kala raro aan la isla soo qaadin, misana, meeshii nabad la sugayey waxa beddesha hub culus iyo qax hor leh. Hey’adaha Qarammada Midoobay, safiirrada, madaxda caalamka iyo cid kasta oo ka hadasha Soomaaliya ama soo booqata waxa kaliya ee ay madaxda Muqdisho kala hadlaan waa in xabbadda la joojiyo si macaawimada loo qaybiyo. Waa yaab! Abwaan Singub oo la waraystay ayaa isagoo ka hadlaya kuwa madaxda sheeganaya ee dadka xasuuqaya waxa uu yiri “ma marka uu dadkiisa oo dhan gumaado ayuu adduunweynaha ku oranayaa waxaan ahay madax, dadkaygiina waan dhammeeyey ee i amaahiya dad aan xukumo” Imaanshihii ciidammadii huwantu dhib iyo dheef labadaba waa soo kordhiyeen. Waxaa ugu darnaa burcaddii laga horjoogsaday deeqihii ay dhici jireen, oo hubkiina aan laga qaadin, ayaa hubkii waxay kula jeesteen xaafadihii.

Muqdisho ha ugu darnaato, laakiin xasuuqo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah ayuu ka dhacaa, Tusaale ahaan 19.12.92 Kismaayo waxaa lagu xasuuqay 600-1000 nin oo hal beel ka soo jeeda. Ujeeddada xasuuqu: in magaallada beel laga sifeeyo inta aan ciidammada huwantu Kismaayo soo gaarin.

Qof walba marka tiisu dhammaato ayuu dhimanayaa. Qoraaga afar jeer ayaa la sheegay in mar walba la dilay.

Gobonnimadoonkii Shabeellada Dhexe

Qoraagu, si uu qalbigeenna uga xalo dhacdooyinkii naxdinta iyo argagaxa lahaa, ummula dooxii iyo saqiir gawracii; si uu inoo dareensiiyo in dadka waxaas samaynayay aysan asal waxaani u ahaan jirin ee dhalan gaddoomeen; si uu inoo hogatusaleeyo ayaandarrada taariikheed ee ku habsatay Soomaalida ayuu wuxuu buugga ku soo af-meerayaa gobonnimadoonkii Shabeellada Dhexe. Waa halgan u dhexeeya gumaysi iyo gumaysi kal-kaal isku dhinac ka soo jeeda iyo gobonnimadoon dhinac ka soo jeeda. Waa halgan ku soo afmeermaya calnsaar iyo damashaad.

Gunaanad

Buugga ‘Xusuusqor’ waa buug xambaarsan, si kasta oo ay u fool xuntahay, sooyaal ka mid ah taariikhda Soomaalida. Si looga soo doogo daannooyinkii dagaalka sokeeye dib dambena aysan u dhicin waxaa muhiim ah in buuggaan ay akhriyaan macluumaadka uu xambaarsan yahayna weeleeyaan, maskaxdana ku hayaan dadka diyaarinaya manaahijta waxbarashada, siyaasiyiinta, cilmibaaraysha, culimaa’uddiinka, isimmada, indheer garadka iyo qof kasta oo daneeya arrimaha Soomaaliya.

Saciid Cismaan Keenadiid, Eebbe (sw) ha u naxariisto, jannadii Firdowsana ha ka waraabiyo, xikmadaha uu qaamuuska Soomaalida ku soo kordhiyey waxaa ka mid ah; Goormee qof lala colloobaa: goortii dagaal idin dhex maro, waagii hore; goortii qabiilkaaga la ogaado, maanta.

.

.

Saciid Cali Shire

e. saidshire@hotmail.com

w. www.buuh.net

_____________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on February 1, 2013. Filed under Dhacdooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.