Ibraahim Roombo “Guul Taariikhi ah ayaa laga soo Hooyay FIBA Zone V”.

MUQDISHO – Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga  Ibraahim Xuseen Cali [ Roombo] ayaa xusay in guul taariikhi  laga soo hoyay  ciyaarihii Zone V ee Koobka Isreebreebka qaramada qaaradda Afrika, kaas oo xulka wiilasha Kubadda Koleyga  uu sheegay  inay ka keeneen guul  iyo sharaf  u soo hoyatay guud ahaan bahda isboortiga  gaar ahaanna Kubadda Koleyga dalka.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga  Ibraahim Xuseen Cali [ Roombo]

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali [ Roombo]

Guddoomiye  Ibraahim Roombo ayaa isagu muujiyay in iskaashi balaaran ay ku timid guusha la gaaray wuxuuna xusay inuu  u Mahadcelinayo inta kala qeybqaadatay Xiriirka  taabagelinta ka qeybgalka ciyaaraha  Zone V  ee ka dhacay dalka Tanzania, sidoo kale wuxuu tibaaxay in XSKK ku tashan doono  Xiddigihii guusha lama iloobaanka horseeday.

“In Ciyaaryahano awood sare muujisay garoonka aan la shir-tagno Semi-Finalna soo tiigsadaan waxay ku timid iskaashi ku dheehan wadaniyad, hiil iyo hooba, waxaan rajeynaynaa in mar walba aan muujino ka xiriir ahaan wadashaqeyn sareysa oo aan la yeelano dadka jecel horumarka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waad la socotaan  Xiriirka wax dhaqaale kama helo Xiriirka Caalamiga FIBA, ma jiraan meel uu  XSKK si rasmi ugu tashan karo marka Xulka Qaranka uu ka qeybgalayo Tartamada Caalamiga. Laakiin waxaan hubaa haddii si wadajir la isku kaashado sida tan aan dhowaan ka qeybgalnay oo kale natiijo wanaagsan ayaa noo soo baxaysa, waana ku talinayaa in sharafta Kubadda Koleyga u baahan yahay in loo wajaho iskaashi  ka yimaada dal iyo dibadba – Dhanka kale waxaa ii farxad ah inaan wax yar ka hor aan FIBA AFRICA  ka helnay  warqad Hambalyo ah iyagoo muujinaya sida wanaagsan ee uu ka qeybgalkeenu ahaa iyo xiisaha xulka Kubadda Koleyga Soomaaliya ay u yeeleen guud ahaan Tartankii  ZONE V ee socday 21-26 Janaayo 2013″

“Sidoo kale waxaa guul Taariikhi ah Record-kii galay diiwaanka [FIBA HERITAGE RECORDS] ee uu dhigay ciyaaryahan Faysal Jaamac, ciyaartii 11aad  ee Soomaaliya kaga Hortimid Rwanda  oo uu xaqiijiyay hal kulan 59 dhibcood, iyadoo hore uu u haystay Rikoorkan ciyaaryahan reer South Korea ah laguna magacaabo Hur Jae oo isagu dhaliyay 54 dhibcood hal kulan” ayuu Guddoomiyaha XSKK ugu warbixiyay saxaafadda.

Si kastaba, Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [ Roombo] ayaa ugu baaqay bahda Isboortiga ee jecel horumarka Kubadda Koleyga Soomaaliya inay muujiyeen isku-xirnaan, isla markaana gacanta ay ka geysteen ka qeybgalka ciyaarahii [Zone V] ay sidoo kale  gacan lixaad leh ka geystaan kuwa kale ee ku soo fool leh. wuxuuna tibaaxay in xiriirkiisu  dhabarka u xiranayo horumarinta Kubadda Koleyga marxalad kasta oo uu dalku marayo uuna diyaar u yahay mar walba wixii talo iyo tusaaleyn ah ee kor loogu sii qaadayo ciyaaraha Kubadda  Koleyga Soomaaliyeed.

 .

 .

Said Ibrahim Hussein (BUUNA) | Email:buuna@isboorti.com
________________________________
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on February 1, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.