Maamulka Woqooyi ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay sugidda dhanka ammaanka deeganada maamulkaasi xilli maalmahan hadal hayn badan ay kasoo baxeysay ammaanka deeganada maamulkaasi.
Wuxuu sheegay in marwaliba ay la gudboon tahay sugidda dhanka ammaanka deeganada maamulkaasi iyagoo ciidanka aan ukala hadheyn awooda ay uleeyihiin sugida dhanka ammaanka.
Wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Waqooyiga ayaa sheegay in ammaanka guud iyo midka gaarka ah iyo xarumaha dadka ay wada shaqeynta leeyihiin ay siwanaagsan usugayaan ciidanka Soomaaliland.
Wasaarada arimaha dibada dalka Britain dhawaan warsaxaafadeed kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in qataro dhanka ammaanka ah ay ka jiraan deeganada maamulka Soomaaliland iyadoo muwaadiniinta dalka Britain udhashayna digniin loo jeediyay.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login