Shacabka Jowhar oo qaati ka taagan ciidamada dowlada

Qaar kamid ah shacabka kunool Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay sheegeen inay kala kulmaan ciidanka Dowladda.

Waxa ay sheegeen in shacabka Gobalka Shabeelaha dhexe gaar ahaan Jowhar habeenkii xilliga ay doonaan ay seexan jireen balse iminka ay seexdaan xilli hore iyaga oo dhanka ammaanka ka baqanaya.Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ciidanka ay ku sameeyaan dhac joogto ah islamarkaana aysan jirin ciidanka dhibaatadaasi geysanaya talis looga ashtakoodo.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan Magaalada Jowhar kadib markii Magaaladaasi ay Shabaab kala wareegeen dhowr bilood ka hor,waxaana iminka soo yeeraysa cabasho kasoo baxaysa shacabka Jowhar oo ku aadan in dhac loo geesto.

Dhawaan ayeey aheyd markii maxkamada ciidamada qalabka sida ay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo dhac lagu eedeeyay ku fulisay xukuno kala duwan.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on February 2, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.