Muddo afar sano kadib ah ayaa waxaa Magaalada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose ka biloowday caado dhaqameedka istunka oo shacabka reer Afgooye aysan muddo sameyn.
Cabdulaahi Axmed Cabdi Iidoow oo ah Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee Dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in caado dhaqameedka istunka ay tahay arin ay sameyn jireen shacabka Degmada Afgooye iminkana dib loosoo nooleeyay.
Wuxuu sheegay in damaashaadka istunka uu ka dhacay Afgooye ayna diyaariyeen ulo yar yar oo ay isku tumaan dadka muujinaysana shucuurta shacabka.
Guddoomiyaha Degmada Afgooye ayaa sheegay in intii Shabaab ay gacanta ku hayeen Degmada Afgooye aysan sameyn shacabka Afgooye dhaqankii istunka balse iminka dib ay ubilaabeen.
Shacabka Afgooye ayaan muddo sameyn caado dhaqameedkaan istunka xilligii Afgooye uu ka shaqeyn jiray maamulkii Ururka Al-Shabaab.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login