Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay dagaal duleedka Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ay kula galeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobalkaasi.
Abuu Muscab ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaasi isaga oo sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Jabuuti oo uu sheegay inay dalka kusoo duuleen.
Dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada Beladweyne ayaa wuxuu udhaxeeyay xoogaga Shabaab iyo sidoo kale ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha labada dhinac dagaalkaasi kasoo kala gaaray.
![]() |
Socialize