War-Saxaafaddeed: – Madaxweynah oo la kulmay Jaalidda UK

Muqdisho, Soomaaliya,03 Febraayo, 2013 |  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Marwo: Qamar Cali Cumar iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa caawa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Westminister, halkaas oo ay kula kulmeen Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska.

R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Xaaji Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul–Qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa kulankan.

Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyay halkaas ayaa wuxuu kaga hadlay, qorshaha dowladda ay ka damacsantahay, amniga.

Wuxuuna kaga digay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingriiska in ay ka fogaadaan qabyaaladda. “ Qaran in la dhiso iyo in qabyaallad laga shaqeeyo meel is lama gasho” wuxuuna Madaxweynaha ku booriyay Jaaliyadda in ay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha, ayaa jaaliyadda warbixin ka siiyay xaaladda uu hadda dalka ku sugan yahay iyo istaraatijiyadda Lixda Tiir siyasadeed. Waxaa kale uu ka hadlay safarkiisii uu ku gaaray dalka Maraykanka, kaasna ku tilmaamay mid guul ku soo dhamaaday.

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha kula dar-daarmay Jaaliyadda in ay dhowraan sharciyadda iyo nidaamka u degsan dalka ay ku nool yihiin, ayna masuuliyad iska saaran xoojinta arinkaas.

.madaxweyne_xasn_london6 madaxweyne_xasn_london5 madaxweyne_xasn_london4 madaxweyne_xasn_london3 madaxweyne_xasn_london2 madaxweyne_xasn_london1 madaxweyne_xasn_london

.

Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta

Villa, Somalia, Muqdisho

media@presidency.gov.so

_________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on February 3, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.