Tacsi Inaa-Lilaahi Waa Inaa Ilaahi Raajicuun Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa wuxuu u tacsiyeynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qoyskii,asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariisto Marxuum Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan oo xubin ka ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa wuxuu ku tilmaamay Xildhibaankii geeriyooday inuu ahaa Xildhibaan kasoo qeyb qaatay nabadeynta iyo dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed. Wuxuuna Alle uga baryayaa inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo anagana iyo eheladiisana samar iyo iimaan naga wada siiyo.
AAMIN, AAMIN, AAMIN.
.
.
Communication Office Office of the Somali President Mogadishu, Somalia
_________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize