Inaa-Lilaahi Waa Inaa Ilaahi Raajicuun Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa wuxuu u tacsiyeynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii, iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariisto Marxuum Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow.
Madaxweynaha ayaa wuxuu ku tilmaamay Marxuumka geeriyooday inuu kasoo qeyb qaatay nabadeynta Soomaaliya. Wuxuuna Alle uga baryayaa inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo anagana iyo eheladiisana samar iyo iimaan naga wada siiyo.
AAMIN, AAMIN, AAMIN.
–
Communication Office Office of the Somali President Mogadishu, Somalia
____________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize