Feeryahan Soomaaliyeed oo xalay wacdaro ka dhigay Herning, Denmark.

feeryahan_tooxoowTartan ciyaareed ah feerka loo yaqaan MMA oo xalay ka dhacay magaalada Herning ee dalkaas Denmark ayaa waxaa u suuragashay ciyaartooy soomaaliyeed oo u  ciyaarayay dalkaasi Denmark in uu ka soo hooyo guul aad u weyn ka dib markii  uu wareegii 1aad ee ciyaarta daqiiqadeedii koowaad uu sare jooga ka tuuray  ciyaar yahankii ka soo horjeeday oo ahaa nin asalkiisu yahay Kurdi laakiin u  ciyaarayay isla dalkaasi Denmark.

Ciyaartan oo ay ka soo qayb galeen  wadmo badan ayaa xalay ciyaaryahankan soomaaliyeed waxay ahayd ciyaartiisii ugu  horeysay oo rasmi ah halka nin ka uu la tartamayay uu ahaa nin caan ku ah  ciyaarta horayna u soo saftay kulamo badan ayaa xalay waxaa dadka amankaag iyo  fajiciso ku noqotay tabtii iyo dardartii uu la soo shirtagay ciyaaryahankan  soomaaliyeed.

Ciyaaryahanka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismaaciil M. Tooxoow oo dgerekiisu yahay 2.2m, culayskiisuna yahay 93kg ayaa noqonaya ciyaar  yahankii soomaaliyeed ee ugu horeeyay oo ka qayb gala tartan ciyaareed ah  feerka loo yaqaan MMA.

Ciyaar yahan Tooxoow oo ah wiil 22 jir ah kuna  barbaaray dalkaasi Denmark ayay sheegeen macalimiintiisu in uu leeyahay  mustaqbal wanaagsan oo ku aadan ciyaartan iyo in uu horseed u noqon karo  jiilka cusub ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee yurub ku barbaaray in ay sidoo kale  ka soo muuqdaan tartamada ciyaareer ee kala duwan.

Ciyaar yahan  Ismaaciiil Tooxoow oo la hadlayay taageerayaashiisa ayaa u sheegay in guushan uu  u hadiyadaynayo dhamaan shacabka Somaaliyeed meel walba oo ay ku  suganyihiin.

Aqristayaasheena sharafta leh waxaan u balan qaadaynaa in  maalmaha soo socda aan u soo gudbin doono ciyaartii xalay oo muuqaal ah hadii
Alaah yiraahdo.
..

.

.
WQ. Abdiaziz Mohamed
aziizxg@hotmail.com
______________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on February 17, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.