Wariye katirsan Radio Hormuud ayaa booqday Xamar 25.Sanno kadib warbixintana nooga soo diray.

xamarrHawraar Soomaaliyeed baa ku tiraabta “Xoorkii laga maalay xagaagii iyo xusuus baa geela lagu xer geeyaa, malaha dareenkayga waxaan odhan lahaa “Xayskii da’ay mirtii Xalay iyo Xagaayaa Xamar lagu Xusuustaa” Xagaayo waa roobka shuuxa ah ee xilliyadan ka hoora caasimadda Muqdishu, xataa haddii aanu di’in uma baahnid inaad kabahaaga dhawr jeer baalashayso maalintii,  hal mar oo qudha ayaa maantoo dhan ilaa barri dhalaal ugu filan jaamaha aad illan tahay.

Magac laga miskiin maahee magaalada aan ka hadlaa waa Muqdisho ama Xamar Cadday oo dadkeedii si hilaw badani ka muuqdo oo habaqle ah ugu soo guryo noqonayaan.

Waayo waayo ayay maskaxdu  dhex maaxday, dhallinyaro bilan oo reer magaal ah oo isu bahaysta darisnimo”Ciyaalka Xaafadda” oo aan u kala daganaan jirin qabiil qabiil iyo qoqobka laga dhaxlay dagaalka sokeeye ee daba dheeraaday.

Bacaadkii wali kamuu guurin oo sidii bay dhulka u goglan tahay ciidii burciidda ahayd ama tamuuxda saafiga ahayd ee hadaad ku dhex gal galimaysato aan saxar kaa soo raacayaa jirin.

Markaad subaxii soo baxdo ee cabbaar lugayso dhidid khafiif ah oo nusa saace gudihii kugu baraarujinaya inaad malaha is yar qaboojiso ood koob cabitaan qabaw ah nafta ku qabato ayaad ku xusuusan Xamar.

Sidan badan cabitaanka waxaa iska soo raaca rubuc xalwad ah, saanbuuse , doolshe ama kac kac yar  wuxuun baase lagu xisaabinayaa wixii aad ka cunto inta kale shuqul kuma lihid.

Dadku way soo daaleen oo kii ka qaxayna wuu soo waaya arkay kii ku jirayna wuxuu noqday bir-finiin ka hadhay oo naxdin daayay isla markaana gasariir dhaafay.

Shaahii casariyaha waa ay bilaabeen dadku inay soo buux dhaafiyaan makhaayadaha waxaase is badalay inaan dadka aan is aqooni si furan u sheekaystaan, waayo halkii laga wada bilaabi jiray baan wali kalsooni buuxda lagu kala qaadan, waase mid waqti qaadan doonta iskana dhamaan doonta.

Lama huraan waa caws jilaale sidii geel jeel qaba oo darka carro loogu daadshay u soo hillaacayso ama horwayn iyo haleelo eri-dhaban ah oo habeeno badan haraad Hawd ku helay oo ceel heshay baa loogu soo qamaamay Magaalada.

Hadaad nasiib u yeelato inaad Aadan Cadde Airport soo caga dhigato, waxaa kugu filan inaad dhugato inta dayaaradood een kursi ka banaanayn ee soo hoobanaysa, dadka ilmaa indhahooda ku soo taagan, qaar waabay ka soo daadanaysaa, kuwaa sujuud shukri la dhacaya oo ciidda dhunkanaya.

Cabsi waxaa kaga sii hadhay ilaalada hubaysan ee baabuurta- masuuliyiinta hareeraha haysta ama ka sii kala jeedsaday labada janbi iyo gaadiidka gaashaaman ee mar mar jidka wadnaha iyo maka al mukarama sida roondada ah u soo maraya oo waliba hadda qaarkood ay Nayjeeriya keentay ay saran yihiin Amisom Police.

Dhismaa loo dhaqaaqay oo inta dabaq ee qiyaastayda maalmahan aan joogo xadhiga laga wada jari baaba ciiddaa iyo camaarkaa ka badan, talbiista iyo qolaf ridka waxaa ka sii fara wayn dabaqyada horta leh ee la saarayo fooqyadii dunsanaan jiray.

Dhulka qiimihiisu waa imisa ha I waydiinina waayo inta aan qorayo
maqaalka ayaaba boqolaal dollar sii koryayaan oo lama xadidi karo, waxaase akhristow kuu sheegi karaa in daafaha magaalada ka baxsan jagada 80/80 ahi marayso 10.000$ toban kun, magaalada dhexdeenana waxaad ka bilaabaysaa 50.000$ haba ka soo qaban.

Hotelada meel kama helaysid waayo waxaa kala badan doonista ama dalabka iyo waxa la hayo oon isu dheeli tirnayn, waxay maraysaa in furaashyo qaawan oo dhulka yaalla lagu kirayso lacag ka badan inta lagu seexdo Maansoor Hotel ee Hargaysa.

Safaaradaha soo socdaa wali ma haystaan guryihii ay gali lahaayeen, ganacsataduna wali u toogo hayso inay dhisaan hudheelada
shanta xidigood ku xardhan tahay ee loo yaqaan Five Star Hotels.

dhawaan duqa caasimadu wuxuu ku yaboohay dhul dan guud ah inuu ku wareejiyo cid kastoo mashruuc wadda sida Isbitaal, Jaamacad Caalami ah, Xarun ganacsi oo wayn iwm.

Turkigu wuxuu keensaday xaasaskii iyo caruurihii oo halka uga dhistay dugsiyo hoose dhexe oo macalimiintuna turki tahay afku turki yahay xamarna ku yaalla, waxaana maallin walba wixii dalkooda ay uga baahdaan u keenta diyaaradooda Deeqa dal dhaways waa Turkish Airline oo ah horyaalka diyaaradaha qaaradda Yurub ee la Hollin waayay.

Xaafadii Islii ee Nayrobi way haawaynaysaa oo waa laga soo bara kacayaa dhismayaashii baase si loo qaado la waayay, dawladihii waxay tar tan ugu jiraan inay isbadalka wax ku yeeshaan, ganacsatada maal gashiga u socotaa waa ilma daanwayne.

Reer Soomaaliland waxay cammirtaan Hotel Golis oo hilib geella la iskuma soo gaadho, imika way ka soo wareegeen Yoobsan iyo Ceel- Gaab, dhallinyaradii fadhiisan jirtay Cagaaran waxay ku filiqsan yihiin Hotello.

Gumaysigii Talyaaniga afkiisii wuxuu ka tagay magacyo meelo xaafado aan wali la badalin, sidoo kale magacyada Beexaani, Shingaani, Cabdil Caziiz, Arbaca Rukun, xamar jadiid, ayaa iyaguna ah kuwa ku suntan Jahliyadii carbeed ee Xamar loogu yimid.

Waxaan meesha ka madhnayn magacyadii la kawsaday Kacaankii 1969kii talada boobay sida:Guriga shaqaalaha, xarunta xisbiga, ubaxa kacaanka, xerada maslax, kuliyadda jalle siyaad, hooyooyinka, barbaarta gaashaaman, taalada sayidka, dal jirka dahsoon, dhagaxtuur, xaawa taako iwm kuwa kaloo badan baan ka horayn xizbigii hanti-wadaaga.

Qormadan manta waxaan ku so af-meerayaa furaha erayadan.

Somalia Af-Talyaani               Somaliland/Af Carbeed iyo English

Coreja Della Sud                   Xidigta Macatabka koonfureed

Café Nazinale                        Maqaaxida Qaranka Casa Pobulare

Xaafadda SHacabka Shirkolo Offishaale                Miiska Saraakiisha

Zay Biyaano                         Fooq lix dabaq ah

Casa de Italia                     Guriga Talyaaniga

Via Roma                            Wadada Rooma Sparo

Goob baadhitaan Sparbmuto/Bambelmo        Sharaab laga miiray liin qarboosh

Scalso                              Sharabaad Shukumaan

Tuwaal Jallaato                           Ice Cream Naastaro

Rikoodh Mantate                           Surwaal Gaaban

Okiyale                            Muraayadda indhaha

.

.

_____________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on February 18, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.