Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo Muqdisho ku Qabtay Kulan Wadashi ah oo Looga Arrinsanayay Sharciga Saxaafada

Muqdisho, 18 Febraayo, 2013 | Kulan balaaran oo looga arrinsanayay Sharciga Saxaafada  ayaa Ururka  Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankaas oo uu soo qabanqaabiyey Ururka Qaran ee Suxufiyiinta  Soomaaliyeed, isla markaana ay martigelisay Xarunta  Dallada hay’adaha
aan dowlliga ahayn ee SOSCENSA  ayaa waxaa ka soo qeybgalay  masuuliyiinta Idaacadaha, Telefishinada, wakaaladaha Dibada iyo  Wargeysyada iyo xeeldheerayaal dhinaca saxaafada ah.

Kulankan wadatashiga ah ayaa daba socda kulan dhowaan Wasaarada  Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ku qabatay 10  Febraayo Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, taasoo wasaarada  gacanta u gelisay bahda warbaahinta iyo suxufiyiintaba Sharcigii  saxaafada, kaasoo ujeedkiisu ahaa in laga talo galiyo bahda saxaafada  sidii fikirkooda iyo aragtidooda ugu biirin lahaayeen.

Xubhihii halkaa ka haldey qaarkood waxaa ka mid ahaa Agaasiaha  Idaacada Dalsan Xasan Cali Geeseey oo sheegey in Qododbada qaar loo  baahanay in si wanaagsan la isaga hubiya gaar ahaan kuwa la xiriira  dhinaca amaanka, waxaa kale uu sheegey in loo baahan yahay in xeerkaan  uu noqdo mid Damaanad qaadaya in Saxaafada si xor ah u shaqeystaan.

Agaasimaha Idaacada Kulmiye Cisman Cabdulaahi  Guure ayaa  isaga  doodaas ka sheegey in Xeeraakan uusan ku jirin mid wax u dhimaya
Saxaafadda Madaxabanaan wuxuuna soo jeediyey in sidiisa loo daayo ,  waxaa kale uu sheegey in xeerkaan uu soo marey heerar ka duwan maanta  loo baahan in uu u gudbo goobhii looga baahnaa si loo ansaxiyo.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Agaasimaha Idaacada Mustaqabal  Aweys Aar  oo sheegey in Xeerkaan si wanaagsan looga doodo islamarkaana waxaa uu  sheegey in loo qabto  Sharciyqaano si loo helo xeer ay ku qanacsan  yihiin dhamaan Bahda Saxaafada si looga gudbo arimaha markasta ka dhex  dhaca Dowlada iyo Saxaafadda.

Wxaa kaloo halkaa ka Hadley Tafaftiraha Idaacada Goob Joog   Cabdinaasir Xirsi Iidle oo sheegey in Xeerkaan uu noqdo mid damaanad  qaadi kara Saxaafada sidoo kale waxaa uu sheegey in Uruka Nusoj looga  baahan yahay in ay fiiro gaara u yeesheeg Raga Qareenada u ah Dowlada  kuwaas uu sheegey in ay doonayaan in Xeerkaan sida uu hadda yahay uu  ku dhaqan galo.

Doodaas intii ay sosoctey waxaa ka Hadley  Agaasimaha Idaacada Danan  Maxamed Bare Fiyoore oo u mahadceliyey Ururka Nusoj oo uu sheegey in  ay yihiin kuwa u taagan samatabixnta Bahda Saxaafadda isagoo sheegey  in ay yihiin dad  u baahan in la abaal Mariyo waxaa kale uu sheegey in  Xeekaan looga baahan yahay in Saxaafada ay si taxadar leh isAga  fiiriyaan.

Axmed Maxamed DhicisoW oo ah Tataftiraha wargeyska Tododbaadlaha ah ee  Xamar waxaa uu sheegey  in loo baahan yahay in Xeerkaan Saxaafada la  iska Hubiyo oo Xarun Warbaahin oo dhan ay yeelato Qareen u fasira  Qododbada Xeeraka ku qoran maadaama uu yahay  Sharci Macneeyey ka  ilaalin kara Khaladka Warbaahinta ku dhacdo iyo midka loo geysan karo.

Waxaa kulanka iyana ka hadlay Agaasime ku xigeenka Telefishinka  Universal, Somalisat, StarFM, Radio Banaadir, Radio Xamar (VoD) iyo
masuuliyiin kale oo badan.

Wxaa kaloo halkaa ka hadLey Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta  Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ Maxamed Ibraahim oo ugu horeyntii u  Mahadceliyey Hayadda SOSCENSA martigelinta kulanka, isagaoo sheegey in  Qodoba qaar Saxaafiyiinta looga baahan yahay in ay si taxader  leh uga  soo Baraan degaan si loo helo xeer ay kuwada qanci karaan Saxaafada  qaybaheeda kala Duwan iyo dowladdaba.

Waxaa Doodii Maanta soo xirey Gudoomiyaha Hayada SOSCENSA  Cabdulaahi  Maxamed Shirwac oo sheegey in Saxaafada looga baahan yahay in ka  shaqeeyaan dhinaca wanaaga wuxuuna u soo jeediyey Qaybaha kala duwan  ee Warbaahinta in ay si feejignaan leh isaga fiiriyaanoo qodobada qaar  waxaan doodaan la isugu soo laaban doonaa Haddi Eebbe Idmo Maalinta  Khamiista ee Foodda nagu soo heysa.

Dhinaca kale waxaa maalinta Arbacada ee ay bisha ku beegan tahay 20  Maxakamada Gobolka Banaadir ka furmi doonaa Xukunkii Racfaanka ahaa ee  Qareenada ka qaateen Xukunkii lagu ridey Wariye Cabdicasiis Koronto,  iyagoo aad u rajo weynaa in Cabdicasiis uu heli doonto maxkamad  caddaalad ah, isla markaana xorriyadiisa uu dib u heli doono.

.suxuufiyeenta_qaranka2 suxuufiyeenta_qaranka3 suxuufiyeenta_qaranka5 suxuufiyeenta_qaranka6 suxuufiyeenta_qaranka7 suxuufiyeenta_qaranka8 suxuufiyeenta_qaranka10 suxuufiyeenta_qaranka1 suxuufiyeenta_qaranka4 suxuufiyeenta_qaranka9 suxuufiyeenta_qaranka11 suxuufiyeenta_qaranka12

.

 

– Dhamaad –


For further information, contact:
National Union of Somali Journalists (NUSOJ)
Press House, Taleex Street, KM4 Area, Hodan District,
Mogadishu, Somalia, Tel: +252 1 859 944,
e-mail: nusoj@nusoj.org.so
/ newsletter@nusoj.org.so

Internet: http://www.nusoj.org.so

_________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on February 19, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.