Japan oo Safiir usoo Mgacaawday Soomaaliya

Muqdisho,Soomaaliya,Febraayo,19 2013)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Soomaaliya ku qaabilay Safiirka cusub ay dowladda Japan u soo magaacwday Soomaaliya

Kadib markii uu ka gudoomay waraqadaha shaqadda ayuu Madaxweynaha sheegay in dowladda Japan ay ka mid tahay dowladdaha Soomaaliya toos ula xariira. Japan ayaa waxaa ay Soomaaliya ku bixisay ilaa qarash dhan $200milyan si Soomaaliya nabadda dib loogu soo celiyo.

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha sheegay in dalal gaaraya 20dal ay Soomaaliya u soo magacabeen Safiiro, kuwa kalena ay soo magacaabi doonaan. Taasna waxa keenay horumarka xagga amniga ay ka gaareen dhamaan ciidamadda qalabka sida iyo kuwa Midowga Afrika.

.jaban_safiir2 jaban_safiir jaban_safiir3

.


Communication Office Office of the Somali President Mogadishu, Somalia

_____________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on February 21, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.