Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho

War-saxaafadeed ( FOR IMMEDIATE RELEASE)

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho kadib markii Magaalada New York ay uga qeybgashay 14-kii bishan February kulan golaha ammaanka ee Qaramada midoobey uu kaga dooday ajandayaal ku saabsan arrimaha wadanka Soomaaliya , ayaa waxa ay Shir jaraa’id oo ay ku qabatay Airport-ka Muqdisho ay ku sheegtay in kulankaasi ay ku bandhigtay baahida dowladda Soomaaliya ay u qabto dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada badda Soomaaliya si ay ula dagaalamaan burcad badeeda,argagaxisada,tahriibka,kalluumeysiga sharci darada ah iyo wixii la mid ah .

Marwo Fawsiya Yuusuf waxa ay ku celcelisay baaqa dowladda ee ah in laga qaado xayiraadda hubka ee la saaray Soomaaliya sanadkii 1991 –kii ,waxa ayna tiri “ wadahadalada aan la leenahay Xubnaha golaha ammaanka waxa uu socon doonaa ilaa iyo 7 bisha March , si cunaqabeynta hubka nalooga qaado,lana xoojiyo awooda ciidamadeena,iyadoo la kordhinayo howlgalada ciidamada nabad ilaalinta “AMISOM” ,si loo soo celiyo nabadda iyo deganaanshaha wadanka”.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga, waxa ay uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Kenya dadaalka walaalnimo iyo midda derisnimo ee ay garabka iyo taageerada ku siinayaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed , waxa ayna tiri “ Kenya waa dowlad saaxiib la ah Soomaaliya  oo deris la ah, ciidamadeedu waxa ay nala qeybsadeen dhiig badan oo daatay , abaal baan uga heynaa , guul weyn ayey gaareen ,laakiin arrinta aan ka hadlay waa sidii loo dhisi lahaa ciidamada badda Soomaaliya ,loona qalabeyn lahaa , ee ma ahan sida warbaahinta ay warka u buun-buuniyeen oo ay u fasirteen”.

Wasiirad Fawsiya intii ay ku sugneed Airport-ka ,waxa ay ku qaabishay halkaasi ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Augustine Philip Mahiga,iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saleysan xaaladda dalka .

wasiirka_arimaha_dibada_fo3 wasiirka_arimaha_dibada_fo2 wasiirka_arimaha_dibada_fo1 wasiirka_arimaha_dibada_fow

 -Dhammaad-

___________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on February 21, 2013. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.